Faallo: Muuse Biixi oo ka Abaal-Daray Taageeradii Reer Gabiley ee Doorashadii 2017.

0

Gabiley, Somaliland—-Tan Iyo Intii Uu Xilka Madaxwaynaha la Wareegay Muuse Biixi Cabdi Waxaa soo kordhaayay tabasho badan oo farta ku fiiqaayay xukuumada  Madaxwayne biixi, kuwaas oo loo tirinaayo in ay gacanta u gashay beesha galbeedka Hargeysa, balse xaqiiqadii ayaa hada maraysa in ay ku soo ururto Goljano oo ah xididka iyo xigaalka Madaxwayne biixi kuwaas oo labaduba ah hal xaafad ama jufo kaliya.

Waxaan maqaalkan ku iftiimin doonaa ama aynu daaha kaga rogaynaa gobol ka mida goboladii ku suntanaa taageerada xisbiga kulmiye iyo halka uu ku dambeeyay, hadii aan taariikh yar oo kooban dib ugu laabano xiligii la aasaasay ururkii kulmiye 2002, xiligaas oo ay tartamayeen ururo badan isla markaana ay daruuri ahayd in ururkii kulmiye helo cod uu ku noqdo xisbi buuxa ka helo gobol walba xiligaas oo uu taageero xoogan ka helay Deg. Gabilay taasi oo sababtay in uu safka hore ka galo gobolka maroodi jeex, laga soo bilaabo xiligaas oo laga joogo 18 sano, gabilay waxay ahayd xarun ka mida xarumaha bud dhiga u ah xisbiga Kulmiye taageeradaas oo lagu xidhiidhiyo in ay siyaasiin ka soo jeeda gobolka gabilay xidhiidh dhaw lahaayeen xiligii halkankii SNM Madaxwaynihii hore Axmed Siilanyo, Xiligaas oo ururo badan ay halkaas ku hadheen. Balse hada waxaa soo baxaysa in uu jiro isbadal ku yimid taageeradii reer Gabiley, waxana la iswaydiinayaa halka ay ku kala baydheen taageerayaashii kulmiye ee gobolka gabiley, Dadka siyaasada faaleeya waxay sheegeen in ay sababeen laba arrimood.

Sii Akhri…….