Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ka Hadlay liiska Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE.

0

Hargeysa (HNN) Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda ayaa ku Bogaadiyay Shir-gudoonka Shir-weynaha Xisbiga KULMIYE tix-galinta ay u muujiyeen Warqadii ay Hay’ada shaqaaluhu ku socod-siisay ee nuxurkeedu ahaa in aanay shaqaalaha Dawladda lagu soo darin Liisaska Gollaha Dhexe ee Xisbigga KULMIYE.

Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe oo qoraal Kooban soo saaray maanta ay taariikhdu tahay 11.10.2020,waxa uu sheegay in wax lagu diirsado ay tahay qaabka daah-furnaanta leh ee Shir-gudoonku baahiyeen Liisaska Xubnaha Gollaha dhexe,taas oo si muuqda loo arkayay dhamaanba Magacyadda Xubnaha.

Qoraalka Gudoomiyaha ayaa u dhignaa sidan . “Waxaan ku hambalyaynayaa kuna amaanayaa shir gudoonkii shirwaynaha Xisbiga Kulmiye iyo Hogaanka xisbigaba sida ay u tixgeliyeen qoraalkii aanu u qoray maalintii sadexaad ee shirwaynaha oo taariikhdu ahayd 06/10/2020 kaas oo aanu ku dareensiinay in aan qof shaqaale dawladeed ah lagu soo darin xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga.

Waxa kale oo wax lagaga daydo ah sida daahfuraanta- banaanyaalka ah ee dhamaan magacyada xubnihii Golaha dhexe ay u soo ban dhigeen waa talaabo dhinaca togan si wayn loogu qaaday”.