Dagaalka Ciidammada Federaalka Itoobiya Iyo Kuwa Tigreyga & Wararkii U Dambeeyay.

0

Addisabab(HNN):-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka u dhaxeeya ciidamada dawladda Itoobiya iyo kuwa maamulka Tigreega, oo uu dagaal culusi u bilaabmay saqdii dhexe ee habeen hore.

Waxa la jaray khadka Isgaadhsiinta ee gobalka Tigreega, waxaana adag in la helo warar xaqiiq ah, laakiin weriyaha BBC ee deegaanka Tigreega ayaa sheegtay in la dareemayo in colaadu meel sare gaadhay, waxaanay ciidamada Tigreegu xidheen xadka uu maamulkoodu la wadaago gobalka Amxaarada, waxa kale oo ay xidheen hawada gobalkaas. Tigreega ayaa habeen hore qabsaday saldhiga ciidanka cirka Itoobiya ee Mekele, waxana la sheegayaa inay halkaas ku laayeen askar badan oo ciidanka Itoobiya ah.

Weriyaha BBC waxa kale oo ay sehegtay inay ciidamada Tigreegu shalay qabsadeen oo ay la wareegeen saldhiga saddexaad ee Itoobiya ee waqooyiga ku yaala.

Golaha wasiirada Itoobiya ayaa shalay xaalad deg deg ah ku soo rogay gobalka Tigreega, waxase adag sida ay Itoobiya u fulin doonto xaaladan deg deg ah maadaaama oo aanay maamulin gobalkaas.

Tigray region alleges bombings in Ethiopia's 'unexpected war' | Ethiopia | Al Jazeera

Raysalwasaare Abiye Axmed ayaa shalay qaabilay oo dib ugu yeedhay saddex sarkaal oo hore shaqada ciidamada Itoobiya looga fadhiisiyay kuwaas oo kala ah, General Bacha Debele, General Yohannes Gebremeskel iyo General Abebaw Tadesse, waxaana amar lagu siiyay inay dib ugu soo noqdaan ciidamada oo ay ka qayb galaan dagaalka dawladda federaalka Itoobiya iyo Tigreega.
Inkastoo aanay jirin warar madaxbanaan oo khasaaraha labada dhinac xaqiijinaya, haddana labada dhinacba waxay sheegayaan inay dagaalka guul ka gaadheen. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka Tigreegu jug culus oo lama filaan ah gaadhsiiyeen ciidanka Itoobiya.

Dalalka reer galbeedka iyo Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Raysalwasaare Abiye iyo maamulka Tigreega in dagaalka la joojiyo oo miiska wada hadalka la fadhiisto. Laakiin Raysalwasaare Abiye ayaa u muuqda inuu go’aan dagaal qaatay.