Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Sheegtay In Go’aanka Lagu Joojiyey Gaadiidka Vitz-ku Yahay Mid Soconaya Muddo Kooban

0

Hargeisa(HNN):-Xukuumadda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay Go’aan ay ku mabnuucday In dalka la keeno Gaadiidka yaryar ee Dadweynuhu u yaqaano Tukhaanka (Vitz), go’aankaasi oo ay Toddobaadkii hore soo saareen Golaha Wasiirradu.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka ee Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa ayaa sheegay in sababta ay joojiyeen gaadiidkaasi in dalka keeno ay tahay sababo la xidhiidha suuqa oo buuxa iyo Cabashooyin dhinaca Amniga iyo shilalka ah oo uga yimid Maamullada Gobollada dalka.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Gaadiidka loo yaqaano Vitz (Tukhaan) waxa ka yimid Cabatin badan, cabatinkaa oo ay ka keeneen Maayarrada dalku Lixdii bilood ee u dambeeyay.”

Wasiirku wuxuu qiray in gaadiidka Tukhaanku shaqo-abuur u yahay Dad badan “Gaadiidkaasi dhinac waa shaqo abuur, laakiin kuwii ku shaqaysanayey hadday waxba ku waayaan dhib bay keenaysaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “10-kii bilood ee u dambeeyay waxa soo degay 8,628 Gaadhi, 2,701 gaadhi ayaa waxay noqdeen Gaadhiga Vitz-ta iyo Probox, marka muddada intaa leeg intaas oo gaadhi inoo yimaaddaan waxaad dareemi kartaan kuwii hore ee wax hayey siday ugu noolaanayaan, markaa waxaanu u aragnay in gaadhigaa muddo la joojiyo, laakiin Gaadiidka kale ee inoo iman jiray hadday noqdaan gaadiid waafaqsan Haadkeena haddii Allaah yidhaahdo marka la gaadho Wakhtigii loo qabtay sidoodii bay u degayaan.”

Wasiir Abokor wuxuu sheegay oo kale in aanay Xukuumad ahaan Shacabka dhibaataynayn haddii ay joojisay gaadiidka “Ujeeddada Dawladda ka leedahay maaha in la dhibaateeyo Shacabka, sababtoo ah xil iyo waajib baa naga saaran sidii ay Dadkani u noolaan lahaayeen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in ujeeddada gaadiidka Tukhaanka loo joojiyey ay qayb ka tahay in la kala fududeeyo Gaadiidka Tukhaanka oo Suuqa ku badan “Haddii Suuqu Camiran yahay, miyeynu sii buuxinaynaa, markaa dhinac dhaqaale waanu ka eegnay, shaqo abuur waanu ka eegnay, xagga amniga waanu ka eegnay, markaa waxaanu garanay in gaadhigaasi mudan yahay in muddo la joojiyo, sannad ha noqoto ama ha noqoto lix bilood..”