Xulka Gobolka DAAD-MADHEEDH Oo 4 Iyo 0 Ugu Awood Sheegtay SOOL.

0

Hargeisa(HNN):-Ciyaar xamaasad leh oo xulalka Gobololada Daad-madheedh iyo Sool ku dhexmartay Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium, ayaa Daad-Madheedh 4 Gool iyo 0 kaga badiyey Xulka Gobolka Sool.

Ciyaartan oo ka tirsanayd Ciyaaraha gobolada Jamhuuriyada Somaliland ee sideed dhamaadka (quarter-finalka) ayaa qaybtii hore ee ciyaarta oo aan wali la kala dhalin wax goolal ah waxa kaadhka Casaanka ah loo taagay Ciyaaryahanka Lambarka 10aad u sita Xulka Daad-madheedh ee Carabayto, kaas oo ciyaarta laga saaray kadib markii uu khalad ka galay ciyaaryahan weerar uga ciyaara xulka gobolka Sool.

Balse qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa waxa u suuragashay in xulka Gobolka Daad-madheedh ay dhaliyaan goolkoodii ugu horeeyey oo uu u saxeexay xidiga Luusiyo daqiiqadii 61aad.

Waxaana goolkii labaad xulka Daad-Madheedh u dhaliyey ciyaaryahanka Lambarka 30aad u sitay markii ciyaartu socotay 68 daqiiqo.

Ciyaaryahanka xulka Daad-Madheedh ee ku ciyaarayey 9-ka ciyaartoy ayaa u muuqday kuwo goolashoodu ay darandoori yihiin, waxaanay goolkii 3aad xulka gobolka Sool ka dhaliyeen isla daqiiqadii 74aad uu u saxeexay Ciyaaryahanka Wardi Axmed.

Goolkii 4aad ayaa hadana waxyar ka dib waxa u xaqiijiyey xulka Daad-Madheedh Ciyaaryahanka Sharmaake oo dhinaca weerarka uga ciyaarada Daad Madheedh.

Ciyaartan maanta Hargeysa Stadium ku dhexmmartay labada Xul ee Daad-madheedh iyo Sool ayaa 90 daqiiqo ee ciyaartu ay ku dhamaatay 4 iyo 0 ay ku badiyeen Xullka Gobolka Daad-Madheedh, inkastoo 5daqiiqo oo dheeraad ah lagu daray ciyaarta ayaanay u suuragalin xulka gobolka Sool inay dhashadaan wax goolal ah.

Waxaanu sidaasi Xulka Daad-madheedh ugu gudbay Afar dhamaadka am Simi-finalka Ciyaaraha Gobolada Somaliland ooh ore ay u sii joogeen gobolada Hawd iyo Hargeysa, balse Daad-mmadheedh ayaa noqonaya xulkii Ciyaaraha loogu gudbayo Simi-finalka ku badiya 4 Gool iyo 0, waxaana la filayaa inay wajihi doonaan xulka Gobolak Hawd ciyaarta dambe ee ay ciyaaraan.