Madaxweynaha Somaliland Oo Wasiirkiisa Maaliyadda U Diray Dalka Koonfur Afrika.

0

Hargeisa(HNN):- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Wasiirkiisa Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire u diray Dalka Koonfur Afrika.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa Toddobaadkan ku maqan Dalka Koonfur Afrika, ka dib markii uu ka ambo-baxay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Illaa hadda si rasmiya looma oga ujeeddada uu Madaxweynuhu uu Wasiirka Maaliyadda ugu diray dalka Koonfur Afrika, balse waxa la saadaalinayaa inuu u diray hawl gaar ah.

Wararka uu Wargeyska Afrika helay ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda Somaliland uu Maalmihii u dambeeyay ku mashquulsanaa  sidii uu ula kulmi lahaa Madaxda sare ee dalka Koonfur Afrika.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa Toddobaadyadii u dambeeyay ku maqnaa dalka dibeddiisa, waxaana suurto-gal ah in Wasiir Sacad loo diray inuu kaalintaa buuxiyo.

Xidhiidhada Nooocan Oo kale ayaa Kamid kuwo hore ay jsl iskaashi siyaasadeed kagaga sameysatay dalalka qaar, waxaana kani ka mid yahay   dedaallada Xukuumadda Madaxweyne Biixi wadday isla-markaana hore loogu galaa-baxayey dalalka Afrika qaarkood.