Musharax Maxamed Soobe Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyay Bulshada Ku Dhaqan Deegaanada Waqooyiga Ee Gobolka Gabiley, Uguna Baaqay In Ay Isdiwaan Galiyaan.

0

Wajaale(HNN):-Musharax Maxamed Xuseen Nuur bakaal (M, Soobe)- oo kamid Siyaasiyiinta Dadayar ee usharaxan golaha Wakiilada Gobolka Maroodi Jeex Ee doorashada fooda inagu soo haysa ayaa deeq raashin gaadhsiiyay bulshada ku dhaqan deegaanada Satiile, Laaca, Cadaad Dhaadheeray, Jufa Iyo deegaanao oo katirsan gobolka gabiley  kaasi oo uu kaga qayb qaadanayo sidii bulshada ku dhaqan gobolka gabiley uqaadan lahaayeen kaadhka codbixiyayaasha oo isdiwaan galintiisu gobolka ka socoto maalintii labaad.

 

Murashax Maxamed Soobe oo safar ugu maqan dalka dibadiisa Dhawaan dalka kusoo guryo noqon doona ayaa deeqdan usoo wakiishay walalkii iyo waxgaradka reerka.

Sidoo kale murashax maxamed soobe ayaa bulshada gobolka gabiley ugu baaqay in ay ka faa,iidaystaan isdiwaan galinta iyo markaana qaataan kaadhka codbixinta oo noqon doona ka bari go,aamiya awooda bulshada.

Dhanka kale waxgaradka ,haweenka iyo dhalinyrada ku dhaqan deegaanada uu musharuxu gaadhsiiyay deeqa ayaa uga mahad celiyay iyagoo cadeeyay taageerada ay uhayaan musharax maxamed xuseen nuur bakaal (maxamed, soobe).

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;