Somaliland Oo Hargeysa Ku Xidhay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

0

Hargeisa(HNN):-Waxa madaarka Hargeysa ee Cigaal Airport Maanta lagu xidhay Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Geeska Afrika u sheegay in Mustaf Dhuxulow ay Shirkad Jarmal ah oo Hargeysa deggeni u soo saartay dal-ku-galka Somaliland, si uu Hargeysa shir ugaga qayb galo.

Laakiin, hay’adaha ammaanka Somaliland ayaa markii dambe ogaaday in qofka dal-ku-galka loo soo saaray yahay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo keentay in la xidho oo xabsiga loo taxaabo.

Mustaf ayaan intaan la xidhin saraakiisha madaarka Cigaal ee Hargeysa tusay dal-ku-galka uu sitay, kaas oo la laalay, lana joojiyay.

Waxa la filayaa in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho.

Kala soco Geeska.net wixii ka soo kordha Wararka la xidhiidha Xadhigga Mustaf Dhuxulow oo sidoo kale ah Musharrax u tartamaya Madaxweyne-nimada Dalka Soomaaliya.