Trump Oo Noqday Madaxweynihii U Horreeyay Taariikhda Maraykanka Ee Maamuus Ka Xayuubin 2 Jeer Loo Soo Gole Joojiyey.

0

Washinton(HNN):- Washinton(GNN):-Madaxweyne Trump oo mudo xileedkiisa todobaad uga hadhay aayaa noqday madaxweynihii u horeeyey taariikhda dalka Maraykanka ee maamus ka xayuubin loo soo gole joojiyo laba jeer.

Xildhibaanada Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka ee xisbiga Dimuqraadiga oo ay weheliyaan toban xildhibaan oo ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa u codeeyey maamuus ka xayuubinta Madaxweyne Trump.

Congress-ka oo ay aqlabiyada haystaan Dimuqradigu ayaa xildhibaano gaadhaya 232 waxay u codeeyeen in xilka laga qaado Trump, hase yeeshee waxa loo gudbin doonaa aqalka Sare ee Sanat-ka.

Madaxweynahan laba jeer la soo gole joojiyey ayaa lagu eedeeyay “kicin dadweyne iyo xil gudasho la’aan”.