Maamulka Sare Ee Idaacadda BBC-da Oo Shaqada Ka Eryey Weriye Cabdirasaaq Catoosh Iyo Arimaha Lala Xidhiidhinayo Caydhintiisa!

0

Nairobi(HNN):-Cabdirisaaq Catoosh oo ka mid ahaa Weriyeyaasha muddada ka hawl-galayey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa shaqada ka tagay Toddobaadkan.

Weriye Catoosh oo ka hawl-galayey Xarunta BBC-da ee Magaalada Nairobi, ayaa si rasmiya shaqada uga tagay Toddobaadkan, ka dib markii Maamulka sare ee Idaacaddaasi uu shaqada ka joojiyey sida la sheegay.

 

Lama oga sababta Maamulka sare ee Idaacadda BBC-du uu shaqada uga eryey Weriye Catoosh, balse ilo-wareedyo ayaa sheegay in dad badan ay Maamulka Idaacadda uga soo cawdeen Catoosh, taasina aakhirkii sababtay in Maamulku uu go’aan ku qaato inay Ka cadhiyaan shaqada Weriyahan oo bulsho badani dhowr jeer maamulka idaacada BBCDA Uga gudbiyeen dacwado ka dhan ah iyo warar uu si cunsuriyad udiyaariyay amabase waraysi uu layeeshay madax kala duwan laga dheehanayay qaabka uu uwaydiinayo su,aalo kakan.