War Deg-Dega-Ciidamo La Wareegay Dhammanba Magaalada Muqdisho, Qorshaha Dawlada+Cabsi Laga Qabo Qaraxyo Lagu Sameeyo Musharaxiinta Mucaaridka.

0

Muqdisho(HNN):-Warar Hordhac oo Soo Gaadhaya Shabakada Hadhwadaagnews.com Ayaa u Xaqiijiyey in Ciidamada Caaw la wareegay guud ahaan gudaha magaalada muqdisho ay amarkeeda soo bixisay xukuumada madaxweyne farmaajo, ciidamadan ayaa gabi ahaanba la wareegay goobihii loo cayimay in maalinta barriya oo jimce ah ay ka dhacaan muddoharaadada lagaga soo horjeedo xukuumada madaxweyne farmaajo.

Waxaana Wararku intaa ku Dareen in dhinaca kale laga shaki qabo in xubno ka tirsan xukuumada oo uu hormood u yahay fahad yaasiin ay maleegayaan qorshe maalinta barriya la doonayo in lagu khaarajiyo Xubno ka tirsan midowga musharaxiinta Somalia, waxaana warar aan ilaa hadda dibeda usoo bixin sheegayaan in la doonayo in qaraxyo is miidaamin ah laga fuliyo goobaha ay iskugu imanayaan dadka mudaharaadaya iyo madaxda mucaaridkuba.

Ilaa Hadda waxa caawa saacadihii ugu danbeeyey wadooyinka magaalada dhexmara lagu arkayaa ciidamo kumanaan ah oo si weyn loosoo hubeeyey kuwaas oo loogu talo galay in lagaga hortago awooda mucaaridka ee soo abaabulaya shacabka.

La Soco Wixii Warar ah ee Kasoo Kordha.

Hadhwadaagnews@gmail.com