Warar Digniino Ah oo Kasoo Baxay Xubnaha Beesha Caalamka Oo Ku Saabsan Xaalada Somalia.

0

Muqdisho(HNN):- Xog ay heshay Shabakada Hadhwadaagnews.com ayaa sheegeysa in dowladda Mareykanka iyo wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka ay dowladda Soomaaliya uga digeen in ay faro-gelin ku sameyso banaan-baxa beri ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaas oo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda dowladda looga digay in ciidanka qaranka ay u adeegsadaan joojinta banaan-baxaas, talaabadaas oo ay ka imaan karto isku dhacyo uu dhiig ku daato. 

“Dastuurka ayaa u ogol in dareenkooda cabiraan shacabka waxaan ka digaynaa in rasaas loo adeegsado si loo joojiyo banaanbaxa, arintaan waxay ka hor imaaneysaa dastuurka iyo dimuqraadiyada,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo loo diray madaxda dowladda Soomaaliya, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheneysa in maalinta berri ah ay joojiso banaan-baxaas oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana si weyn abaabulkiisa looga dareemayo Muqdisho. 

Digniinta beesha caalamka ayaa timid kadib markii ay ku guul-darreysteen isku day ay doonayeen inay mucaaradka uga dhaadhiciyaan in dibad-baxa la baajiyo, taasi oo mucaaradka ay ku gacan seereen.