Xaalad Kale Musharaxiinta Mucaaridka Muqdisho oo Iclaamiyey Mudaharaadyo Kale iyo Ciidan Beeleedyo Ka Hortagaya Kuwa Dawlada Oo Lasoo Abaabulay.

0

Muqdisho(HNN):-Ilaa habeenkii xalay ahaa ma jirin wax sidaa u weyn oo khasaare ah o ka dhacay magaalada muqdisho kadib marka laga yimaado maalintii shalay mudaharaadkii ay ciidamadu dawladu rasaasta kala hortageen ee ka dhacay magaalada.

Waxaana ilaa xalay wararku sheegayaan in ciidan beeleedyo taabacsan musharaxiinta mucaaridka ah ay isku abaabulayaan xaafado kamid ah magaalada muqdisho,

Halkan maanta ay mar kale dib u shaaciyeen musharaxiinta mucaaridka ah in shacabku mar kale banaan baxyo hor leh kagaga hortagaan xukuumada wakhtigeedu dhammaaday ee madaxweyne farmaajo.

Midowga Musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar kale ku dhawaaqay banaanbax nabadeed oo ka dhacaya Muqdisho, waxeyna ku muujin doonaan sida ay u doonayaan iney dhacdo doorasho xalaal ah oo la isku raacsan yahay.

Shariif Sheikh Axmed, oo ah gudoomiyaha midowga musharaxiinta oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay iney mar kale qabanayaan banaanbax nabadeed oo dastuurka uu u ogol yahay.

Madaxweynahii hore Soomaaliya wuxuu sheegay in dibadbaxyada ay yahiin xuquuq dastuuri ah, sidoo kalana aysan aheyn wax dowladnimada dhaawacaya, waana hab uu muwaadinka ku cabiri karo dareenkiisa.

Dhanka kale Shariif wuxuu sii-hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu ciidamada qaranka u adeegsaday dano khaas ah, isagoo ku weeraray musharaxiinta, sidoo kalana wuxuu saraakiisha ciidanka u sheegay iney baal mareen dhismahooda.

“Waa nasiib darro in Ciidamadii aan ku naalooneynay inay dhidibada u aasaan qaranimada Maanta nagula weeraro, ciidamada waxey ku dhisan yihiin sharci & dowladnimo hadii ay ka gudbaana ciidan maahan,” ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed.

Midowga musharaxiinta oo wadajir ah waxey adkeeyeen iney mar kale abaabulayaan banaanbax nabadeed oo ay rabaan iney dareenkooda ku cabiraan, dadka reer Muqdisho ayaana wali ka walaacsan xaaladda guud ee la hadal hayo.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.