Taiwan oo 2 Milyan oo Doolar Kaga Qaybqaadanaysa Doorashooyinka Somaliland.

0

Hargeisa(HNN):-Dawladda Taiwan ayaa u qoondeysay lacag dhan laba milyan oo doolar doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaasna waxa daabacay maanta Warsidaha East Africa Business Week oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, dawladda Taiwan oo cilaaqaad saaxiibtinimo iyo iskaashi adag la leh Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ugu talo gashay  in lagu bixiyo lacagtaas dhinaca wacyigelinta doorashooyinka Baarlamaanka iyo dawladaha Hoose ee muddaysan inay ka qabsoomaan Somaliland 31ka bisha May ee sannadkan.

Warku wuxuu intaas ku daray in dawladaha Midowga Yurub iyo Ingiriisku ay iyaguna kaalin ka geysanayaan dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ka qabsoomaya Jamhuuriyadda Somaliland.

East Africa Bussiness Week,  wuxuu xusay in wufuud ka socotay  Ingiriiska,Sweden, Norway, Midowga Yurub iyo Qarammada Midoobay ay kulamo kala yeesheen arrimaha u diyaargarowga doorashooyinka Komishanka doorashooyinka Qaranka. Sidoo kalena waxa wufuuda ka socotay dalalka Somaliland ka taageera arrimaha Dimuqraadiyadu ay  kulamo gooni gooni ah la yeesheen xisbiyada Siyaasadda iyo Ururrada bulshada rayidka ah.