Amnesty International Oo Dawlada Eritrea Ku Eedaysay Inay Xasuuq Ka Gaysatay Gudaha Dalka Itoobiya.

0

Jigjiga(HNN):-Hay’adda u Doodda Xuquuqda Aadanaha Ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay waxa ay ku sheegtay in boqollaal qof oo rayid ah oo Aan Hubaysnayn Ay ciidammada Eritrea bishii Nofembar Ee sanadkii Tegay ku xasuuqeen Magaalada taariikhiga ah ee Axum ee Dalka Itoobiya, intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray ee udhexeeyay ciidamada TPLF Iyo dawlada itoobiya oo ay weheliyaan ciidanka Eritrea.

Hay’adda ayaa waxa ay ciidammada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ku eedaysay inay gaysteen “dambiyo badan oo dagaal” waqtigii ay wadeen dagaalkii ay magaalada kula wareegayeen.

Dowladda Itoobiya ayaanan weli ka jawaabin warbixinta Amnesty International hase yeeshee Khamiistii ayey sheegtay in goor hore bilowday baadhitaanka dambiyadii laga gaystay gobolka Tigray.