Booliska Somaliland ayaa dhaawacay mid kamid ah dhalinyarro calanka Soomaaliya ee buluuga ah ku ruxayay badhatamaha Hargeysa iyagoo saaran gaadhi bus ah.

0

Hargeisa(HNN):-Ciidamada booliska ayaa rasaas ku furay kadib markii ay arkeen gaadhi bas oo dhalinyari saaran tahay oo mid kamida dhalintaasi inta uu qoorta kala soo baxay gaadhiga uu ruxayo calanka buluuga ah ee dawlada somalia,

Calanka Soomaaliya - Puntland Mirror Believable Media Website

Ciidamada Booliska Somaliland wali war kama soosaarin arrintaasi balse waxaa warar kala duwan oo aanu helay noo xaqjiijiyeen in lagu xidhay dhalinyartii dirawalkii iyo gaadhigiiba saldhiga New hargeisa, waxaana wiilkan ciidamadu dhaawaceen la geeyey cisbitaalka weyn ee magaalada hargeisa oo lagu dabiibayo xaaladiisa caafimaad.

 

La Soco Wixii Warar ah ee Kasoo Kordha Arrintan.