Garyaqaan Guuleed Daafac Oo ku Dhawaaqay In Uu Iska Joojiyey Shaqaddii Garyaqaanimo Iyo Sababta.

0
Hargeysa (HNN):- Guddoomiyihii hore ee Xarunta Difaacista Xuquuqul Insaanka Madaxa Banaan ee Somaliland Garyaqaan Guuleed Jaamac (Daafac)’ ayaa ku dooday in uu ka rajo dhigay waa sida uu hadalka u dhigay ka dib markii uu arkay in aanay ka soo rayn lahayn Caddaaladdaradda Somaliland gudaheeda ka jirta iyo Qaynuunkii iyo Dastuurkii qaranka Somaliland aasaaska u ahaa oo Madaxda Xukunka Somaliland joogta inay ku Tunteen Sharciyadii dalka u taalay oo ay sababeen in aanu gabi ahaan sharciga waddanku shaqayn oo Dowladda Somaliland ay masuuliyadaasi dusha usaarantahay uu isagu go’aankan gaadhay.
Garyaqaan Guuleed Daafac oo Sheegay Marku Caddaalad Daro Baahsan iyo Garsoorkii umadda Caddaaladiisa u Xilsaarna ee Dalka Somaliland ka jirta uu Arkay in uu shaqadiisii uu mudada ku soo dhex jiray ee Looyarnimada uu iskaga tegay isla markaana uu Shaqo kale oo Mustaqbalkiisa uu ku xoogsan karo raadsan doono
Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Maanta La Haddlay Qaar Ka Mid Ah Warbaahinta Ayaa Yidhi
“Anigu Imika Looyarnimadii Waan Iska Daayey Waxaan Raadsanayaa ( Career Changing) Waayo Garsoorkeeni Dalku Ma Shaqaynaay’ Waxaan Leeyahay Madaxdu umadda Haw Cadeeyaan Gooni Isku Taageeni Miya Laga Noqday…” Garyaqaan Guuleed Daafac