Xulashada Madaxweyne Biixi ee Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Ma Noqon Doonaa Mid Dhabaha u Jeexa Aqoonsi Ay Ka Hesho Beesha Caalamka.

0

Hargeisa(HNN):-Waxay Ahayd maalintii shalay markii uu jagada wasiirnimo baneeyey Mudane Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo hadda kamida musharaxiinta u taagan tartanka doorashada golaha wakiilada somaliland, Inkasta oo Wasiir Faratoon uu qaranka somaliland usoo hooyey guul la taaban karo iyo xidhiidhka dawlado cusub oo aaney hore somaliland wax cilaaqaad siyaasadeed iyo iskaashi midna la lahaan jirin, oo aynu tusaale usoo qaadan karo  Dalalka Taiwan iyo gini oo hadda cilaaqaad rasmiya oo dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, siyaasada & wax is dhaafsiga dawladnimo ka dhexeeyaan ayaa la odhan karaa waa mid ku suntanaan doonta bogaga taariikhda wasiir fartoon oo mudadii uu xilka hayey uusoo kordhiyey iyadoo ay jiri karaan balaal iyo dublamaasiyiin kala shaqeeyey arrimahaasi iyo kuwo kale oo uu adeegsaday.

 

Marka aynu is barbar dhig ku sameyno tobankii sanno ee ugu danbeeyey xidhiidhka siyaasada arrimaha dibeda ee somaliland iyo sannadihii ka horeeyey waxaa dadka inta badan arrimaha dublamaasiyada u dhuun daloolaa ku tilmaamaan in hoos u dhac weyn imanayey sanadba sanadka ka danbeeyey cilaaqaadkii iyo dadaalkii dhinaca siyaasada arrimaha dibeda Somaliland, taas oo markaa laysku miisaamo xukuumadihii danbe iyo xukuumadii alle ha u naxariistee Marxuum madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wakhtigii uu talada wadanka hayey oo waliba dhaqaale ahaan, dhisme, ahaan iyo dawlad ahaanba xilligaa lagu jiray waayo adag, haddana galaangalka iyo kasbashada dalalka beesha caalamku waxaa uu ahaa mid ka sareeyey xukuumadihii ka danbeeyey, taas oo lagu macneyn karo haddaba fahanka masuulka loo dhiibo wasaarada arrimaha dibeda somaliland iyo doorka kalsooni lagu qabi karo inuu qaranka somaliland u sahamin karo hir doog leh.

Dhaqaale Ahaan Wasaarada Arrimaha Dibeda Somaliland ayaa kamida wasaaradaha dalka kuwooda ay ku baxdo miisaaniyad aad u badani, iyadoo xukuumada hadda talada haysa ee Madaxweye biixi iyo xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyoba ay u kordhiyeen lacago kala duwan miisaaniyada wasaarada arrimaha dibeda somaliland, waxaana qorshaha ugu weyn ee madaxda qaranku ka leedahay dhaqaalehaasi tahay sidii somaliland door muuqda uga ciyaari lahayd siyaasada arrimaha dibeda iyo xidhiidhada beesha caalamka loona abuuri lahaa dawlado dan-wadaag la ah somaliland oo qayb ka qaata dhaqaalaha iyo horumarka dalka somaliland, iyo sidii wasaaradaasi uga shaqeyn lahayd Citiraaf raadinta somaliland loogana dhaadhicin lahaa waddamo baddan oo isha ku haya inta badan madaqada geeska iyo waxa ka dhacaya.

Xukuumada madaxweyne biixi ayaa hadda waxaa u jooga wadamo kala duwan ilaa 12 wakiil (Safiir) oo si toosa u hoos taga wasaarada arrimaha dibeda somaliland dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba,waxaana wakiiladan ku kala sugan Afrika, Asiya, Yurub iyo Maraykanba ku baxda miisaaniyad aad u badan,

taas oo marka laysku daro Mushaharka safiirada, shaqaale hoosaadka, kirada xarumaha, kharashaadka sarafada iyo soodhaweymaha noqonaysa marka laba meelood loo qaybiyo  qayb  ahaan Miisaaniyada Wasaarada Arrimaha Dibeda Jsl.

Baddi xafiisyadan ku magacaaban safiiro arrimo dibedeeda ayaaney jirin taa badelkeeda wax la odhan karo way mudnayd in dhaqaale loo huro oo ay qaranka somaliland kusoo kordhiyeen, marka laga hadalayo iibgeynta qadiyada iyo citiraaf raadinta Qaranimada Somaliland, oo la odhan karo waxaa laga daddaal iyo cilaaqaad badnaa wakhtigii madaxweyne cigaal allaayaraxme.

 

Inkasta oo Xukuumadahaa Kala danbeeyey mid meel ay soo gaadhsiisay kobcinta, tayeynta iyo kor uqaadida wasaaradaha dalka guud ahaan, haddana waxaa lagu tilmaamaa in laga gaabiyey kor u qaadidii cilaaqaadka iyo citiraaf raadinta qaranka somaliland.

Faallada iyo Falanqeynta bulshada inta ku foogan arrimaha siyaasada ayaa wakhtigan iswaydiinaya xulashada  madaxweyne biixi iyo masuulka uu u idman doono jagada Wasaarada arrimaha dibeda & Iskaashiga caalamiga ah ma noqon doonaa mid miisaan ahaan, aqoon ahaan iyo karti ahaanba iibgeyn kara Somaliland halka ay kagaga taalo Mandaqada geeska africa, islamarkaana ka dhaadhicin kara hordhigina kara ururada Beesha caalamka in Somaliland mudan tahay inay hesho aqoonsi caalamiya ,oo ay ku barbar istaagto dunida inteeda kale.

Inkasta oo aan la xaqiijin karin gacan uur ku jirta haddana dadka qaar ayaa aaminsan in Madaxweyneha Somailand Muuse Biixi cabdi uu wasiirka wasaarada arrimaha dibeda u bedelayo Mid kamida xubnaha golaha wasiirada ee hadda shaqeeya.

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga dhursugi doonaa Xulashada Madaxweyne biixi Masuulka uu u cugto jagadan wasaarada Arrimaha dibeda oo wakhtigeedii la taagan yahay inay shaqada ay qaranka u hayso noqoto mid sida hilaaca uga mudha beesha caalamka iyo dawladaha quwadaha lagu tiriyo,miiskana saari kara dood ku dhisan aqoon iyo taariikh lagu iibgeyn karo somaliland.

Sidaa si lamid masuulka madaxweynuhu jagadan u cumaamado ayaa iyadana arrimaha ugu muhiimsan ee inuu ka shaqeeyo ay tahay sidii ay u iman lahayd Madal caalamiya oo somaliland kula gar naqsato Dawlada Federaalka ee Somalia oo hadda ah caqabada ugu weyn ee dabarka ku ah in somaliland beesha caalamka ka hesho aqoonsi buuxa.

iyadoo waddahadal kasta oo u dhexeeya somaliland iyo somalia ay mar walba dhinaca ay ay ka fashilmayeen ama ka cago jiidaysay ahayd masuuladii kala danbeeyey ee somaray dawlada federaalka ee somalia.

 

Hargeisa Somaliland

Hadhwadaag News Network