DEG DEG: Qarax xoog leh oo goordhow Muqdisho ka dhacay.

0

Muqdisho(HNN):-Qarax xoog leh ayaa goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar-Jajab, kaas oo geystay khasaare nafeed.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nooca uu ahaa qaraxaas oo ka dhacay afaafka hore ee maqaayad lagu magacaabo Luul-Yemeni oo ku taalla meel u dhaw Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaari, sidoo kale waxaa goobta ka dhashay Dab, kaas oo hadda demintiisa lagu howlan yahay.

Khasaare nafeed ayaa jira inkastoo aan weli la xaqiiji karin inta uu dhanyahay.

Wixii ka soo kordha kala soco Hadhwadaag News Network.