Waraysigii Madaxwayne Farmaajo oo Waxba aan Qarin, Xaalada iyo Arimo Xasaasi ah (Daawo)

0

Muqdisho(HNN):-Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysigii Xiisaha badnaa ee Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu bixiyey oo dhamaystiran.

Madaxwaynaha wuxuu siwayn uga hadlay xaalada dalka, Arimaha doorashooyinka, Sida Puntland iyo Jubbaland u Curyaamiyeen Shirkii Muqdisho, Shuruudaha kala duwan ee ay keeneen oo ay kamid tahay in Hay’adaha dawladda iyo Ciidamada kala diro, beesha Caalamanka ay talada dalka gacanta soo geliso oo damaanad ka noqoto iyo Xogo kale oo waa wayn.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay inaanu isagu ahayn keligii taliye, ee la raadiyo magac kale, wuxuu soo bandhigay Waxyaabaha ay Xukuumadiisa Qabatay, Wuxuu iska fogeeyay Qabyaalad, Boob hantida Umadda iyo Arimo kale.

Waraysiga wuxuu sidoo kale uga hadlay dalalka deriska la ah Soomaaliya, Kenya iyo Faragelinta arimaha Gudaha, Isbadalka ka jira Itoobiya oo aan faragelin arimaha gudaha ee Soomaaliya, Arinta Badda iyo Xaalada guud ee dalka.

Daawo Waraysiga oo dhamaystiran.