Xiisad caawa ka taagan Muqdisho iyo Jeneral Saadaq John oo ku laabtay Shiirkole.

0

Muqdisho(HNN):-Xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo taliyihii hore ee ciidanka booliska gobolka Banaadir Jeneral Saadaq John ayaa mar kale caawa ka taagan magaalada Muqdisho, kadib markii uu ay dowladda isku dayday inay ku go’doomiso.

Saadaq oo wata gaadiid dagaal oo badan ayaa caawa dib ugu laabtay xaafadda Shiirkole, kadib markii ay dowladda ciidan badan dul dhigtay guriga uu ka deganaa agagaarka garoonka diyaraadha Muqdisho.

Saadaq ayaa gurigiisa agagaarka garoonka Aadan Cadde ku laabtay shalay subax kadib markii madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor uu u ballan-qaaday inaysan dowladda soo weerari doonin, hase yeeshee maanta ayaa ciidamo badan la dul-dhogay.

Si kastaba, Saadaq iyo ciidankiisa ayaa xoog kaga gudbay barta koontarool ee Wadada Jaayga, ee agagaarka garoonka, halkaasoo galabta ay dowladdu ciidan xoogleh geysay, si ay u go’doomiso.

Wararka ayaa sheegaya inuu hadda ku sugan deegaanka Shiirkole oo ah xaafad ay reerkiisa u badan yihiin.

Qeyb ka mid ah xaafadda Shiirkole iyo xaafadaha ka ag dhow ee degmada Hodan ayaa waxaa caawa laga dareemaya dhaq-dhaqaaq ciidan, ayada oo dowladda ay ciidamo badan dhigtay, mana cadda qorshaha ay damacsan tahay. Sidoo kale, ciidan taabacsan Saadaq oo xooggan ayaa ku sugan Shiirkole. 

Dadka xaafadda Shiirkole, ayaa soo weriyey inay maqleen rasaas kooban, balse waxaa lagu warramayaa inaysan ahayn isku dhac ee ay tahay mid ay rideen ciidamada.