War Deg-Dega-Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Kasii Daysay Xaaska Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa Oo Calanka Somalia Lagu Xidhay.

0

Hargeisa(HNN):-Xukuumada somaliland ayaa maanta xabsiga kasii daysay Sabaax Cabdi ibraahim oo ah Xaaska Siyaasi Ismaaciil hure Buubaa oo ah siyaasi hore xilal uga soo qabtay dawlada federaalka ee somalia,

Sabaax Cabdi ibraahim ayaa Kamida haweenka ka tirsan golaha dhexe xisbiga Mucaaridka somaliland ee Waddani.

Booliiska Somaliland oo xabsiga dhigay xaaska siyaasi Buubaa oo katirsaneyd xisbiga  Waddani | Hiranweyn Somalia latest news

Waxaana Todobaadkii hore Gabadhan ciidamada booliska somaliland u xidheen kadib markii dhawaan ay booqasho ku tagtay magaalada muqdisho islamarkaana ay kusoo labisatay calanka dawlada federaalka somalia, iyadoo sidoo kale sawiro kala duwan lasoo gashay Madax ka tirsan dawlada federaalka somalia, oo uu kamid yahay Madaxweyne Maxamed C,laahi Farmaajo.

Xaaska Wasiirkii hore Arimaha Dibada Soomaaliya Oo lagu xiray Hargeysa -  Somali News Leader

Xadhiga gabadhan ayaa ka danbeeyey kadib markii sida lagu baraha bulshada ay soo dhigtay muuqaalo iyo sawiro muujinaya inay mabda’a somaliweyn aaminsan tahay islamrkaana aaney cidna u xidhi karin.May be an image of 3 people, people standing, suit and indoor

Waxaana kadib markii la xidhay ka hadlay oo xukuumada u diray codsi ay kagaga codsanayaan inay qaldantay islamarkaana lasii daayo haween kasoo jeeda beesha ay ka dhalatay.

Waxaana Xukuumadu iyadoo ka duulaysa baaqaasi ay haweenka ciidagale u direen ay xoriyadeedii usoo celisay marwo sabaax cabdi ibraahim.

Sidoo kale soodaynta maanta lasii daayey waxaa iyaguna marlabaad warbaahin la hadlay oo u mahad celiyey guud ahaan xukuumada haweenkaa hore codsiga siideynta gabadhan la xidhay u diray.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkan.