Fadeexada Ka Raacday Qoraal Cay Ah Oo Uu Kagaga Falceliyey Gudoomiyaha Baanka Dhexe Xadhiga Suxufi Aadan Cabdi Ciidle.

0

Hargeisa(HNN):-Kadib Markii uu dhawaan dacwad ka gudbiyey gudoomiyaha baanka Dhexe jamhuuriyada somaliland mudane Cali Ibraahim Baqdaadi Suxufi Aadan Cabdi Ciidle, oo Maalmihii ugu danbeeyey ku xidhan xarunta dambi baadhista somaliland ee hargeisa soona qabteen ayaa bulshada somaliand oo si adag arrintaasi uga hadlay xadhiga suxufi aadan cabdi ciidle oo ay qaar kamida dadka qorayaasha iyo saxaafadu si kulul ugaga fal celiyeen baraha bulshada xadhiga masuulkani kula kacay saxafi aadan cabdi ciidle oo sida la sheegay uu ku haysto inuu ka faafiyey in lacagta qaranka uu ka dhistay hotel uu ku leeyahay magaalada hargeisa.

Xadhigaasi kadib Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr Oo Kamida ahaa dadka iyagu xadhiga suxufi aadan cabdi ciidle bulshada la wadaagay in la xidhay islamarkaana loo xidhay sifo sharci darro ah, ayaa qoraalkaa kooban ee uu ku baahiyey bartiisa facebookga kadib markii la xidhay aadan cabdi ciidle waxaa isagu qaybta falcelinta ee looyaqaan commentiga qoraal cay iyo aflagaado ah kagaga dareen celiyey Gudoomiyaha Baanka Dhexe Jsl Cali ibraahim Baqdaad kaas oo Cay qaawan kula kacay Qoraa Siciid Maxamuud gahayr.

bulshada la socotay commentiga Masuulkani ka bixiyey  ayaa ay layaab ku noqotay, aflagaadada qaawan ee masuulkani kula kacay qoraaga, iyadoo taasi dhacdo ugu ah ku noqotay dadka baraha bulshada isticmaalaa in masuul dawladeed uu bulshada kala caytamo baraha bulshada, Waxaa arrintani noqotay in gudoomiyaha baanka dhexe somaliland uu noqonayo masuulkii ugu horeeyey ee Mansabka xilkaa weyn haya ee haddana baraha bulshada kala caytama shacabka uu masuulka u yahay.

Sidoo Kale Gudoomiye Baqdaadi ayaa Noqonaya Masuulkii ugu horeeyey ee somaliland loo xidho xarun warbaahineed islamarkaana laga xidho khadka internetka, taas oo hore sida u dhacday sidan oo kale uu hore u dacwad uga gudbiyey shabakadii hadhwanaagnews.com oo qaar kamida shaqaalihii dalkiisa ay muddo u xidhnaayeen kadib markii damaanad lagu sii daayeyna ay dalkaba uga baxeen ilaa haddana ay sidii dalka uga maqan yihiin halka shabakada Hadhwanaagna aan laga booqan karin shirkadaha internetka somaliland oo masuulkani daraadii dacwadii uu u gudbiyey go’aankii kasoo baxay maxkamada hargeisa uu noqday in la xidho shabakadaa.