“Haddii lawaayey Caqli idin kala kexeeya iyo Dawlad nimo idin kala jahaysa toona isku kiin Daawan mayno eh Waxaa biyo kama dhibcaan ah in aanu Qaadi Doono Talaabo aan Natiijadeeda la mahadin doonin”..Ganacsade Jabuutaawi.

0

Sool(HNN):-“Hadii lawaayey Caqli idin kala kexeeya iyo Dawlad nimo idin kala jahaysa toona isku kiin Daawan mayno eh Waxaa biyo kama dhibcaan ah in aanu Qaadi Doono Talaabo aan Natiijadeeda la mahadin doonin ama Waxaad Noqon doontaan Tol noo Qabsooma”

Ganacsade Xaaji Maxamed Jabutaawi ayaa Sidan yidhi 👇Baaq iyo Bayaan ku Socda Beelaha ku diriray Deeganka Dhabar-Dalool ee Gobolka Sool.
Aniga oo ah Ganacasade Maxamed Jabuutaawi Caraale waxaan ugu horayn halkan tacsi tiiraanyo leh uga Dirayaa Ehelada ay ka baxeen Alla ha Unaxariisto eh Dadkii ku Geeriyoodey Dagaal ka labada beelood ku dhexmaray Deegaanka Dhabar-Dalool ee ka tirsan Degmada Xudun ee Gobolka Sool
Sidookalena Waxa aan Cod dheer ugu Baaqaya labadaa beelood ee Dirirtu ay ku, dhexmartay Deegankaas inay si bilaa shuruud ah ku joojiyaan Dagaal ka oo uu Caqligu shaqeeyo Wixii ay kala tabanayaan na wada hadal lagu dhameeyo runtii Waxaa wax aad looga Xumaado ah in Wakhtigan oo aynu ku guda jirno bishii barakaysnayd ee Ramadaan uu Deeganka Dhabar-Dalool noqdo Meel lagu daadiyo Dhiig islaam oo mayd ka iyo dhaawacu uu tiro beelo Wax loodul Qaadan Karona maaha Dagaalo beeledyada Modooyinkan Dambe Caadada unoqday Qaybo kamid ah Bulshada Degta Deegaanada Hoosyimaada Gobolka Sool
Ugu dambaynbtii Beelaha Walaalaha iyo ood wadaagta ah ee ku Diriraaya Deegaan kaas Waxaan leeyahay Hadii lawaayey Caqli idin kala kexeeya iyo Dawlad nimo idin kala jahaysa toona isku kiin Daawan mayno eh Waxaa biyo kama dhibcaan ah in aanu Qaadi Doono Talaabo aan Natiijadeeda la mahadin doonin ama Waxaad Noqon doontaan Tol noo Qabsooma” Maxamed Jabuutaawi Caraale