Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee sannadlaha ah ayaa laga Daah’furey Masjidka Cali Mataan.

0

Hargeisa(HNN):-Tartanka qur’aanka kariimka ah ee sannadlaha ah ayaa laga daah’furey masjidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa.

Tartankaas ayaa loo qabtay ardayda xafidsan Qura’aanka Kariimka ah kuwaas oo ka kala socda gobollada dalka oo dhan.

Munaasibaddii lagu daah’furaayaay tartankaasi waxa ka qayb’galay culimaa’u diin, iyo sidoo kale guddida garsoorka ah ee tartanka Qur’aanka Kariimka ah.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha guddida hagaysa tartankaasi Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg) waxaana uu sheegay in sannadkii hore ee ina dhaafay ee 1441-tan duruufo jiray awgood aanay qaban tartankii Qur’aanka Kariimka ah ee sannad kasta la qaban jiray, isagoo xusay in sannadkan ay qabanayaan isla markaana ay ILLAAHEY ugu mahad’naqayaan u suurto’geliyay inuu qabsoomo tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee gobollada dalka.

Dhanka kale, guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in tartanka Qur’aanka Kariimka ah ay waafajiyeen tilmaamihii wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ee ahaa in la soo qaato af’xidh isla markaana la kala fogaado, iyagoo ka xidhay dadweynihii daawan jiray tartankaasi sannad kasta xaaladda Covid-19 awgeed.