Wasiirka Hawlaha guud oo baaq Nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku Diriray Degaanka Dhabar-dalool.

0

Hargeisa(HNN):-Wasiirka wasaradda howlaha guud dhulka iyo guriyaynta mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa baaq nabadeed u diray  beelaha walalaha ah ee ku dagaalamaya degaanka Dhabar-dalool, isaga oo ka codsaday in ay colaada joojiyaan.

Sido kale wasiirku beelaha u soo jeediyay in ay arinta colaada dhalisaay halkaas ku hakiyaan, isla markaana xajadaasi dhulka la dhigo.

Waxa kale oo uu dadka qurbo joogta ah ee qaybta ka ah hurinta colaada ka socota degaankaasi ay faraha kala baxaan.

Wasiirka howlaha guud dhulka iyo guriyantu isaga o arimahasi ka waxa uu yidhi.“Waxan halkan baaq nabadeed uga diraaya dagaalki ila daraad ka socoday degaanka Dhabar-dalool, ee degmadda Xuduun Gobolka Sool .

Taas oo uu dagalkaasi sababay khasaare isuggu jiira dhimaasho iyo dhawac, waxan bulshadda degmadda Xuduun Gobolka Sool ugu baqaaya dagaalka, oo ariinta wada hadal lagu dhameeyo isla markana xajadaasi dhulka la dhigo”

Wasiirku sido kale waxa u fariin u diray Qurbo-joogta labada belood e walaalaha ah ee degaankasi ka soo qayb qadaan huriinta colaadoda.“Waxa aan dadka ka codsanaya dadka arinta ka wada dhibaato ka sii socoto isku gobabinaya  in ay ILLAAHEY ka yabaan oo bisha barakaysan ee ramadaan ay ka xishodaan ee ILLAAHEY cibaadada u soo dejiyay”