Maxkamada Hargeisa Oo Maanta La Horkeenay Arday Loo Haysto Inay Ka Danbeeyeen Burburinta Dugsiga Nuuraadiin.

0
4 Arday ee Loo Haysto Burburkii Loo Gaystay Dugsiga Nuuradiin School

Hargeisa(HNN):-Waxaa maanta maxkamada Hargeisa la horgeeyey Afar arday oo kamid ah ardayda dhigata dugsiga sare ee qaybta inamada Nuuradiin Boys Secondry School.

waxaa Danbiga loo haystaa yahay afartan arday inay ka dabeeyeen burburtii loo gaystay laba bilood ka hor Dugsiga gaarka loo leeyahay ee nuuradiin School.

Waxaana Xogo ka agdhow maxkamada hargeisa sheegeen in lagu soo eedeeyey afartan wiil ee ardayda ah inay ka dabeeyeen Sababta falkii ardayda dugsigu ku burburisay dugsigaasi.

Ciidamada Booliska Somaliland oo soo qabqabtay ardaydan ayaa baadhitaan ku waday bishii ugu danbaysay, waxaana ay ku xidhnaayeen saldhiga Ibraahim Koodbuur ee magalada hargesa.

dhegaysiga dacwadan loo haysto ardaydan ayaa kasii socon doonta maxkamada hargeisa ilaa todobaadyada soosocoda, waxaana haddii lagu helo danbiga lagu soo eedeeyey wiilashan lagu xukumi doonaa dhamaanba khasaarihii soo gaadhay burburkii iyo agabkii dugsigaasi ee ardaydu burburiyeen.

Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Somaliland ayaa hore amaawiir culus uga soo saartay rabshadihii ka dhacay dugsiga nuuradiin iyo sida loosoo wadayo waxbarashada dugsigaasi. Halkan Ka Akhriso Amarkaa Wasaarada Waxbarashadu Kasoo Saartay dhacdadaasi.

Hargeisa Somaliland 

Hadhwadaagnews.com