Qorshaha Madaxweyne Farmaajo Doonayo Inuu Ku Meelmariyo Muddo Kordhinta iyo Codsiga uu Midowga Africa Ula Tagay.

0

Muqdisho(HNN):-Wararka kasoo Baxaya Safarkii qarsoodiga ahaa ee Habeenkii xalay madaxweyne farmaajo ugu boqoolay Dalka congo ayaa xogoha laga helayaa sheegayaan  Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in madaxweynaha waqtigi ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo Soomaalida.

Qoraal kasoo baxa wasaaradda arrimaha dibedda oo lasoo dhigay twitter-ka ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu doonayo wada-hadallo la xiriira qabashada doorashooyin oo uu Midowga Afrika dhex-dhexaadiyo.

Felix Tshisekedi ayaa iminka ah guddoomiyaha ururka Midowga Afrika.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhowaaqay ‘Dowladda federaalka ayada oo tixgelineysa dadaallada Soomaaliya ay ku qabaneyso doorashooyin loo dhan yahay, nabdoon oo waqtigooda ku dhaca, dowladdeyda waxay soo dhoweeneysaa in Midowga Afrika uu kaalin ka qaato fududeynta hanaan Soomaali ay hoggaamineyo, Soomaali-na ay leeyihiin oo hoggaamin kara wada-hadallo,’” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda

Madaxtooyada dalka Congo ayaa sidoo kale qoraal ay soo dhigtay twitter ku sheegtay in Farmaajo uu madaxweyne Tshisekedi ka codsaday in isaga oo cayaaraya doorkiisa guddoomiyenimo ee Midowga Afrika inuu fududeeyo, oo uu dusha kala socod wada-hadallo dhex-mara dhammaan saamileyda ku lugta leh qalalaalsaha siyaasadeed ee Soomalaiya.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in madaxweyne Tshisekedi isaga oo u ololeynaya in xal African ah loo helo dhibaatooyinka Afrika uu aqbalay codsiga Farmaajo ee ah inuu la xiriiro dhinacyada Soomaalida, si nabad waarta ay u hesho Soomaaliya.

Illa aiyo hadda ma cadda waxay ay yihiin wada-hadallada uu Farmaajo doonayo, iyo haddii uu ka tanaasulayo muddo kororsiga.

Mucaaradka Soomaaliya ee Farmaajo codsanayo inuu la hadashiiyo madaxweynaha Congo ayaa si weyn u diidan mudo kororsigii uu dhawaan sameystay Farmaajo, waxayna habeeno ka hor si cad u diideen kulan uu dalbaday inuu la yeesho.