Somaliland Oo War Cusub Ka Sheegtay Dawlada Federaalka ee Somalia+Dhaqaalaha uu Adduunku ku bixiyo.

0
Wasiir Ku Xigeenka arrimaha Dibeda Somaliland

Hargeisa(HNN):-Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland, ahna ku simaha wasiirka Liibaan Yusuf Cismaan, ayaa sheegay in adduunkii xoog iyo maal ba isugu geeyeen dowladda Soomaaliya, Somaliland na iska indhatireen.

Wasiir Liibaan oo faah faahin ka bixiyay baaq ay dhawaan wasaaraddiisu ka soo saartay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya iyo mucaaradku ay laba sano ka heshiin waayeen doorashooyin dad ban.

Liibaan ayaa taa badalkeeda sheegay in Somaliland ay qabsatay doorashooyin kala duwan oo qof iyo cod ah loona baahan yahay in caalamku eego, waxaanu sidan ku sheegay wareysi uu siiyay muuqbaahiyaha Sahan.

Liibaan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Waxay 2 dii sano ee u danbeeyay ku muransanyihiin doorashooyin dadban, oo boqolal qof ay dooranayan madaxweynaha, Somaliland na doorashooyin fara badan baa ka dhacay”

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray.“Imikana doorashooyin isku sidkan oo xilligoodii laga soo hor mariyay, ayaa ka dhacaya Somaliland.”

Ku simaha wasiirka arrimaha dibada ayaa sheegay in adduunkii lacag iyo xoog ba iskugu geeyeen Soomaaliya laakin anay waxba is badalin ayuu yidhi.“Adduunkii oo dhami xoogiisi iyo lacagtiisii ba wuxuu galiyay Muqdisho, oo ilaa hada aan wax horumar ah laga gaadhin, haday noqoto dowlad dhis, nabad galyo iyo doorashooyin ba”

Waxa kale oo uu sheegay in baaqii ay dhawaan wasaaradda arrimaha dibadu ka soo saartay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya looga danlaha in caalamka la tuso waxay Somaliland qabsatay iyo in ay Somaliland la shaqeeyaan.

Hadalka kusimaha wasiirka ayaa imanaya xilli ay dhawaan wasaaraddiisu soo saartay waraaq ay kaga dayrinayso khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowlada, madaxda maamulada iyo mucaaradka.