Waa Kuwee Afarta nin ee awoodda ciidan leh kana tirsan garabka mucaaradka Somalia.

0

Xiisad colaadeed ayaa ka taagan magaalada Muqdisho kaddib markii khilaafkii siyaasadeed ee ka jiray arrimaha doorashada uu isu baddalay gacan ka hadal.

Muqdisho(HNN):-Iyadoo isbuucyadii lasoo dhaafayba ay jirtay cabsi ayaa shalay waxaa magaalada caasimadda ah ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo xoogag kasoo hor jeeda oo taabacsan xubnaha mucaaradka.

Galinkii dambe ee Axaddii ayay dagaalladu ka billowdeen xaafado ka tirsan Waqooyiga Muqdisho, xilligii afurkana waxay dagaallo kale ka qarxeen dhinaca koonfureed, gaar ahaan degmada Hodan.

Xaaladda ayaa maanta daggan inkastoo ay jirto cabsi, waxaana isasoo taraya baaqyada lagu dalbanayo in xiisadda la dajiyo iyadoo ay ugu horreeyaan kuwa kasoo yeeraya ururrada bulshada rayidka.

Maxay yihiin Saraakiisha la dagaallamay dowladda?

Shacabka ayaa hadal hayay saraakiil ciidan oo ka qeyb qaatay dagaalka shalay dhacay, kuwaasoo la safan garabka mucaaradka. Ilaa afar nin oo horay uga tirsanaa militariga iyo booliska Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay la safan yihiin xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeeda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dagaalkii ka dhacay dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho waxaa la aaminsan yahay in ciidamada dowladda kasoo hor jeeda uu hoggaaminayay sarkaal lagu magacaabo Cismaan Xaadoole.

Janaraal Yuusuf Indhacadde iyo taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Saadaq John ayaa labadoodaba la aaminsan yahay inay ka ku jireen ciidamadii ka dagaallamayay degmada Hodan iyo agagaarka hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale waxaa lasoo tabiyay in sarkaal kale oo lagu magacaabo Ismaaciil Cabdi Maalin uu ku sugnaa wadda Maka al-Mukarama.

Hadda maxaan ka ognahay saraakiishan Muqdisho kula dagaallamay ciidanka dowladda federaalka?

Saadaq John

Saadaq John, oo magaciisa saxda ah uu yahay Saadaq Cumar Xasan ayaa ku dhashay deegaan ka tirsan dhulka Soomaali Galbeed ee dalka Itoobbiya. Saadaq ayaa la sheegaa in uu horraantii 1993-kii usoo wareegay Muqdisho, isaga markii danbena 2002 ugasii gudbay dalka Kenya kaddibna dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu ka sii aaday London. Waxa uu dalka dib ugusoo noqday sannadkii 2014-kii.

Saadaq John
Saadaq John

Markii uu dalka dib ugusoo laabtay waxa uu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin taliyaha NISA ee Galmudug, sidoo kalena sannadkii 2017-kii waxaa loo magacaabay taliyaha nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee gobolka Banaadir.

Taliyihii hore ee hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, oo ay soo wada shaqeeyeen muddo dheer Saadaq Joon ayaa ku qeexay in uu yahay nin hawl kar ah, oo shaqadiisa sida ugu habboon uga soo baxa.

12-kii bishan April, Saadaq John waxa uu isku dayay inuu hor istaago kulan ay baarlamaanka ku yeelanayeen xarunta Golaha Shacabka, isagoo halkaas geeyay ciidan. Muuqaal uu baraha bulshada ka sii daayay ayuu xilligaas ku sheegay in uusan dhici karin kulanka Baarlamaanka, xildhibaannadana waxaa laga hor istaagay inay galaan Aqalka.

Wax yar kaddib waxaa laga qaaday xilkii taliyaha booliska gobolka Banaadir, ilaa haddana waa baxsad.

Indhacade

Yusuf Mohammed Siyaad (Indhacade), wuxuu maamuli jiray gobolka Shabeellaha Hoose oo gudoomiye uu ka noqday 2002-dii.

Sannadkii 2006-dii ayuu ku biiray midowgii maxaakiimta, wuxuuna hoggaaminayay dagaalkii Itoobiya ay la galeen ee dhammaadkii 2006-dii oo looga adkaaday maxaakiimta.

Yuusuf Indhacadde
Yuusuf Indhacadde

Horraantii 2009-kii, wuxuu ku biiray ururkii Xisbul Islaam oo isla sannadkaas uu ka goostay, wuxuuna ka mid noqday dowladdii ku meel gaarka ahayd oo muddo kooban uu u ahaa wasiirkii difaaca.

Tan iyo sannadkii 2011-kii, wuxuu ahaa janaraal sare oo ka tirsanaa ciidamada Militariga Soomaaliya, wuxuuna fadhiisin ku lahaa wasaaradda gaashaandhigga. Balse hadda wuxuu ka mid yahay saraakiisha ciidan ee ka tirsan garabka Mucaaradka.

Ismaciil

Mayjar Ismaaciil Cabdimalik wax badan lagama aqoonin wixii ka horreeyay sannadkii 2019-kii oo loo magacaabay taliyaha Ciidamada Danab.

Ismaaciil Cabdimaalik
Ismaaciil Cabdimaalik

Xilkaas waxaa laga qaaday bishii October, 2020. Lama cadeynin sababta jagada looga xayuubiyay, xilligaas wixii ka dambeeyayna wuxuu ka mid ahaa saraakiisha aan shaqada haynin ee deggan Muqdisho.

Waa mid ka mid ah dhallinyarada heerka sare ka gaaray darajooyinka ciidamada, waxaana tababaray askarta Mareykanka ee Soomaaliya ku sugnayd. Wuxuu ka howlgali jiray xerada Balidoogle.

Waxaa la sheegay inuu mar ahaa taliyihii guutada 16-aad ee kumaandooska Danab, ka hor inta aan xilkaas laga qaadin.

Xaadoole

Xog badan lagama hayo Cismaan Xaadoole. Balse wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidan ee ugu sareysay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida ay tabiyeen warbaahinta maxalliga ah ee Soomaaliya, Xaadoole waxaa sannadkii 2014-kii lagu eedeeyay in ciidamadiisa ay ka qeyb galeen dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda oo ka dhacay Balcad.

Cismaan Xaadoole

XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE

Qoraalka sawirka,Cismaan Xaadoole

Xilligaas waxaa Xaadoole lagu eedeeyay in militarigiisa ay weerareen askar boolis ahayd oo ku sii jeeday magaalada Jowhar.

Sida lagu qoray warbaahinta qaar, Taliska Booliska Soomaaliya ayaa bishii April ee 2014-kii dalbaday in Xaadoole la soo taago maxkamadda Ciidanka, waxayna xilligaas sheegeen in uu dhuumaaleysi ku joogay Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka imaanaya ayaa sheegaya in taliyihii saldhigga ciidamada booliska ee degmada Shibis Kabtan Farxaan Jalalay oo ciidan iyo gaadiid dagaal wata uu ku biiray xoogagga kasoo horjeeda ciidanka dowladda.