Wareysi: Qoor Qoor oo faah-faahin ka bixiyey go’aankii ay ku diideen mudo kororsiga.

0

Muqdisho(HNN):-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa faahfaahin ka bixiyey go’aankii ay maanta Galmudug iyo HirShabeelle uga soo hor jeesteen mudo kororsigii loo sameeyey hey’adaha dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in mowqifka Galmudug uu markii horeba cadaa oo horay uu u shaaciyey in aysan ogoleyn mudo kororsi.

Qoor Qoor oo wareysi siiyey VOA ayaa mar wax laga weydiiyey sababta ay mar hore uga soo hor jeesan waayeen mudo kororsiga, waxa uu sheegay inay wadeen wadahadal iyo dadaallo ku aadan arrintaas, isla markaana ay aad uga xunyihiin wixii dhacay intii ay wadeen dadaalladaas.

“Waxaan rajeynayaa in dhibku halkaas ku istaago, wixii dhacayna ay nasiib darro ahaayeen, Soomaalina laga samata bixiyo caqabadaha ka soo wajahay doorashada iyo dib u dhaca jira, waxaan sidoo kale rajeynayaa in dhamaan wixii la qorsheynayey ee danta umada aysan ku jirin laga waantoobo,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweyne Qoor Qoor wax laga weydiiyey in madaxweyne Farmaajo uu la ogaa go’aankii ay galabta qaateen ayaa yiri, “Madaxweynuhu aragtidiisa iyo mas’uuliyadiisa ayuu leeyahay, waxa uu caawa dhihi doonana ma ogi, in aan ogaadana wax baahiya looma qabo, marka anagu mowqifka aan qabnay iyo sidii wax nala ahaayeen ayaan sheegnay, isaguna wixii mowqifkiisa ah ayuu sheegi doonaa.”

Hoos ka dhageyso wareysiga