Villa Somalia Oo Laga Waddo Qorshe Xilka Lagaga Qaadayo Raysalwasaare Rooble.

0

Banaadir(HNN):-Kulanka deg-deg ah ee xildhibaanada golaha shacabka loo balamiyey maalinta Sabtida ayaa waxaa la qorsheynayaa in la geeyo mooshin xilka looga tuurayo ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegen Warbaahinta.

Sida ay Shabakada Hadhwadaagnews u xaqiijiyeen ilo ku dhow guddoonka baarlamaanka, kulankaas oo uu dalbaday madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, ayaa waxaa loo qorsheynayaa in xilka looga qaado Ra’iisal wasaare Rooble, ayada oo loo cuskanayo eedeyn la xiriirta “inuu ku fashilmay qabashada doorashadii uu meel-mariyey baarlamaanka”.

Kulanka Golaha Shacabka oo furmay iyo Farmaajo oo Khudbad jeedinaya – Radio  Dalsan FM 91.5 MHz | Warar Sugan | Somalia News

Xogtan ayaa sidoo kale waxaa laga soo xiganaya qaar kamid ah xildhibaanada oo ayagu isla wadaagaya qorshaha uu guddoonka horkeeni doono xildhibaanada, si mowjad cusub uu dalka u galo.

Baarlamaanka ayaa Rooble ku eedeyn doona in uu ku fashilmay diyaarinta doorasho qof iyo cod ah, waana isla eeddii xilka looga tuuray Xasan Cali Khayre, kaasi oo uu khilaaf la xiriira muddo kororsiga soo kala dhex-galay Farmaajo.

Guuxa arrintan ku saabsan ayaa saacadihii la soo dhaafay aad u soo baxayay, waxaana isla dhex-maraya xildhibaanada raacsan Mursal iyo Farmaajo ee ay ka go’an tahay inaan dalka doorasho ka dhicin, si aysan xilalkooda u waayin.

Warar kalae ayaa iyagana sheegaya in laga yaabo in Rooble aan xilka laga qaadin balse kulanka Sabtida lagu diido heshiiska 17-ka September, laguna adkeysto muddo kordhinta, taasi oo dalka gelin karta qalalaase cusub.

Isbaheysiga Farmaajo ayaa waxaa hadda kusoo haray kaliya Mursal iyo xildhibaano lagu qiyaasay 50, kadib markii ay garbihiisa ka baxeen madaxdii HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxaa hadda socda cadaadis xooggan oo ay Rooble saarayaan xildhibaano ku hayb ah oo ah inuu go’aan qaato, oo uu iclaamiyo shirka wada-tashida doorashada, haddii kale laga yaabo inuu Sabtida meel cidlo ah kusoo dhaco, waxaana la sheegay in Rooble diidan yahay arrintaas, isaga oo aaminsan inaan mooshin laga keeneyn. 

Haddii xilka laga qaado Rooble, Farmaajo ayaa la sheegay inuu doonayo inuu magacaabo Cali Maxamed Geedi, si uu u kala jebiyo awoodda ciidan ee beesha Abgaal, oo ah tan xoogga badan ku leh Muqdisho, inkasta oo Geedi uusan wax sumcad ah ku dhex laheyn beesha.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa goor horey oo maanta ah ka  digay qorshaha ka dhanka ah Rooble. 

“Farmaajo xalay fursad uu shacabka Soomaaliyeed ku macsalaameeyo ayaa dhaaftay. Hadalkiisu micno yari, aflagaaddo iyo ixtiraam la’aan ayuu isugu jiray. Waa nin shirqool horleh la soo maleegaya Mursal iyo 54-tii xildhibaan ee muddo kordhinta xaaraanta ah kala shaqeysay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Waa kala goyskii isaga iyo Mursal ay Kheyre ku shirqooleen. Xilliga iyo xaalkuba waa kala beddelan yahay, laakiin waallida kalitalisnimo ee Farmaajo mid dhaqanta maaha. Waxaan uga digaynaa 54ta xildhibaan ee Sabtiga la balamiyey in aysan fidno kale ka sii shaqaynin. Rooble waa in uu tillaabada la hormaraa oo uu hoggaanka qaataa, casuumadda shirka fidiyaa, oo uu saamileyda ballaariyaa, ciidanka kala qaybsanna isku soo celiyaa, amniga dalka iyo doorashooyinka la wareegaa, dawlad Goboleedyada garabka ku qabtaa, taageerada beesha caalamka kasbadaa. Go’aan sax oo aan xilligiisa laga daahin ayaa laga rabaa.”

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu xalay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu shaaciyey inuu hortagayo Golaha Shacabka si uu ula wadaago xaalada kasoo cusboonatay qaraarkii ay meel-mariyeen oo ay ka hor-yimaadeen maamuladii taabacsan, saamileyda siyaasada iyo beesha caalamka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa isaguna iclaamiyay fadhi gaar ah oo ay deg-deg iskugu imaanayaan xildhibaanada Soomaaliya, kaas oo uu codsaday Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farriin guddoonka Golaha Shacabku u diray dhammaan xildhibaanada ayaa looga codsaday inay ka soo qeyb galaan kulan “aan cadi ahey” oo madaxweyne Farmaajo kula hadlayo xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya.

“Xildhibaannada dalka dibaddiisa ku sugan iyo kuwa jira gobollada dalka waxaa la farayaa inay si degdeg ah u soo galaan caasimadda Muqdisho, si ay u soo xaadiraan fadhigan aan caadiga aheyn maalinta sabtida ee ay taariikhdu tahay 1-da bisha May 2021, maadaama ay jiraan xaalado adag oo u baahan in dalka laga samatabixiyo”, ayaa lagu yiri faafin rasmi aheyd oo ku socotay xildhibaannada Golaha Shacabka.