Deg-Deg-Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Maxamed C,laahi Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qadar.

0

Muqdisho(HNN):-Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula xiriiray amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al Thani.

Farmaajo iyo Althani ayaa kawada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada amniga,dhaqaalaha iyo marxalada kala guurka dalka gaar ahaan arimaha doorashooyinka oo khilaaf uu ka taagan yahay

Afhayeenka warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirishiid Maxamed Xaashi ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay boga uu ku leeyahay twitter inay labada hogaamiye ay kawada hadleen iskaashiga iyo sidii doorashadalka dalka ay ugu dhici laheyn si nabadoon.

Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya usoo dirtay ergayga dhax-dhaxaadiya khilaafka ka dhashay doorashada kaasi oo hada ku sugan magaalada Muqdisho kana wada kulamo lagu xalinayo iyo sidii layskugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada siyaasada dalka.