War Cusub-Ciidamadii Ka Gadooday Muddo Kordhintii Dawlada Madaxweyne Farmaajo Oo Go’aan Cusub Soosaaray Hadda.

0

Muqdisho(HNN):-Guddi saraakiila oo ay iska magacaabeen ciidamadii dhawaan soo galay Muqdisho ee saldhigyada ka dhigtay xaafado ka tirsan degmooyinka Cabdicasiis, Hodan iyo Hawl-Wadaag, ayaa shuruudo ku xiray inay dib ugu laabtaan saldhigyadii ay ka soo baxeen markoodii hore.

Guddigan oo ka kooban sedex Janaraal iyo afar korneyl ayaa dalbaday in madaxweyne Farmaajo wareejiyo amniga guud ee dalka maadaama bay yiraahdeen waqtigiisii dhamaaday, isla markaana uu ciidanka ka dhex abuuray qalalaase, waa sida ay hadalka u yiraahdeene.

Gaashaanle Diini Rooble Axmed oo afhayeen u ah guddiga saraakiisha ah oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inay baaqi ku sii ahaan doonaan magaalada Muqdisho inta xal looga helayo waxyaabihii markii horeba keenay inay saldhigayo ka samaystaan xaafado ka tirsan magaalada.

Gaashaanle Diini waxa uu u waramay Weriyaheena Ibraahim Maxamad Aadan

Halkan Kasii Dhegayso Faahfaahinta Warkan Oo Lagu Baahiyey Barta Idaacada BBcda Waraysiga Sarkaalka u Hadlay Ciidankaasi.