Somaliland Oo Deeq u Qaybisay Dadka Ajaanibta ah ee Hindida iyo Carabka ku Nool dalkaasi.

0

Hargeisa(HNN):-Wasaaradda shaqo’gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland ayaa deeq raashin ah u qaybisay dad danyar oo asal ahaan ka soo jeeda dalaka Hindiya iyo carabta, kuwaasoo u dhashay Somaliland.

Munaasibadda qaybinta raashinkaasi waxa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda shaqo’gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, iyo dadkii danyarta ahaa ee loo qaybinaayay mucaawinadaasi, kuwaasoo asal ahaan kasoo jeedaa Hindiya iyo qaar ka mid ah waddamada carabta. Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay Anhaar Anwar Saalim iyo Nagaad Aamin oo ka mid ah haweenka guddida ah ee bulshada Hindida iyo carabta ee ku nool caasimadda Hargeysa, waxaana ay u mahad celiyeen wasaaradda shaqo’gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska oo ay sheegeen inay ka aqbashay codsigii ay gaadhsiiyeen, iyagoo ugu baaqay dawladda iyo bulshada kale ee Somaliland in aan la dhayalsan bulshada hindida iyo carabta ah ee ku nool Somaliland.

Jiif caaqilka bulshada Hindida iyo Carabta ah ee ku nool Somaliland Rafiiq Rashiid Bullo oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad’celiyay wasaaradda shaqo’gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska oo uu sheegay inay codisgoodii ka aqbaleen. Dhanka kale waxa uu ugu baaqay bulshada Somaliland iyo dawladda inay la socdaan xaaladda dadkaasi jilicdasan ee u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayntii, waxa halkaasi ka hadashay agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee wasaaradda shaqo’gelinta Somaliland Filsan Xuseen Khaliif, waxaana ay sheegtay inay ku faraxsan tahay in wasaaraddu ay raashin u qaybiso dadka jilicdasan ee ku nool caasimadda Hargeysa, gaar ahaan bulshadan oo ay sheegtay inay dan yar yihiin, una dhasheen Somaliland.