General Doolaal oo Dhawaan Xukuumada Somaliland Xukun Milateri Ku Riday Ayaa Maanta Xabsiga laga Siidaayey.

0

Hargeisa(HNN):-Waxa maanta Xabsiga Magaalada Hargeysa laga sii daayey Gen. Jamac Maxamud Aadan (Dollaal), oo maxkamada millateriga Somaliland ku riday xukun 2 sano oo xadhiga 11-kii bishii April.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in lagu sii daayey Cafis madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi u fidiyey.

Dollaal ayaa lagu eeddeyey, isla markaana xukunka loogu riday, kaddib markii lagu helay inuu la xidhiidhay qof ku sugan magaalada Muqdisho oo aan la faah faahin waxa dhexmaray.Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Magaalada Hargeysa Lagu Xidhay General  Jaamac Maxamuud Aadan (Gen. Doolaal) Oo Ka Mid Ah Saraakiisha Sar-Sare Ee  Ciidanka Qaranka Somaliland?. | Qorilugud News 24

Waxaana la sheegay in cadaymaha la horkeenay Maxkamada Ciidamada Somaliland ay ahaayeen codadka telefoonada uu xidhiidhka la sameeyey sarkaalkani.

Sidoo kale warar kale oo aanu helnay ayaa sheegaya in sarkaalka oo xilka laga qaaday sannadkii hore uu qayb ka ahaa kicinta ciidamada ku sugan jiida hore somaliland oo uu qaarkood xidhiidh la sameeyey isagoo ciidamada ku booriyey inay kasoo baxaan furimaha islamarkaana ay kacdoono sameeyaan.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Maxkamada ciidamada qalabka sida ee somalia.