Wasiirkii Maaliyada Dalka Qadar oo Loo xidhay arrimo la xidhiidha lunsi hanti qaran, iyo Maamul xumo.

0

Doha(HNN):-Xeer-ilaaliyaha guud ee Qatar ayaa amray in la xiro wasiirka maaliyadda dalkaas Ali Shareef al-Emadi, taasi oo qeyb ka ah baaritaan lagu sameynayo lacagta dowladda oo si qaldan loo isticmaalay iyo ka xugudub awoodeed, sida ay sheegaty warbaahinta dowladda.

Wakaaladda wararka Qatar ee QNA ayaa maanta werisay in go’aankan la gaaray kadib markii dib u eegis lagu sameeyey dokumentiyo iyo warbixino ku saabsan dambiyo la xiriira lacagta dowladda. 

“Baaritaan ballaaran ayaa hadda socda,” ayaa lagu yiri warbixinta QNA.

“Xeer-ilaaliyaha guud waxa uu armay in la xiro wasiirka maaliyadda Ali Shareef al-Emadi, waxaana su’aalo la weydiiyey oo ku saabsanaa arrintan kasoo baxay dambiyo la xiriira xafiiska dowladda sida lacag si qaldan loo adeegsaday iyo ka faa’iideysashada kursiga,” ayey tiri wakaaladda wararka.

Ma jiraan wax faah-faahino ah oo intaas dheer oo la bixiyey.

Ali Shareef al-Emadi oo kaalin ku lahaa kobaca Bankiga dowladda ee Qatar National Bank ayaa ahaa wasiirka maaliyadda tan iyo 2013.

Waxa uu xubin ka yahay guddiga awoodda badan ee Qatar ee maamula sanduuqa lacagta Qatar ee Qatar Investment Authority oo maamula 300 oo bilyan oo dollar.

Al-Emadi ayaa hagay siyaasadda Qatar ee dhaqaalaha intii lagu guda jiray burburkii 2014 illaa 2015 ku yimid qiimaha saliidda caalamka, taasi oo Qatar iyo dalalka kale ee gobolka ku qasabtay inay kala duwaan ilahooda dhaqaale, oo aysan ku tiirsanaan kaliya saliidda.

Al-Emadi ayaa 2020 waxaa loo aqoonsaday wasiirka maaliyadda ee ugu wanaagsan gobolka kadib qiimeyn uu sameeyey wargeyska caalamiga ah ee ka faalloda maaliyadda ee The Banker.