Madaxweyne Tebboune “ Anigu Ma iibsanayo Damiirkayga ,Mana Jiro Wax aan ku Bedelan karo Dhiiga iyo Dhulk Falasdiin.

0

Muqdisho(HNN):-Aljeeriya waa ka Mamnuuc inuu soo Galo qof haysta baasaboorka Israa’iil ama wata Baasaboor kale oo fiiso ka haysta Israa’iil.

Wax kasta haday Dhacaan Aljeeriya waligeed Xiriir la Yeelan mayso Gumaystaha sraa’iil illaa inta laga helayo Dowlad Falastiin Leedahay
Aljeeriyaanku Waa Dad Damiir leh , Xitaa MuwaadinKeena ugu Liita ama ugu Xun Haduu Aljeeriya Madaxweyne ka Noqdo Ma yeelayo in Aljeeriya Xiriir La Yeelato inta sidan loo Dhibaataynayo Falasdiin
Wixii ka Dambeeyey Kacdoonkii Gu’gii Carabta Shacabka ayaa lasoo baxay Awoodooda ,Waayo Shucuubta Badankood Waxay ogaadeen Quwadooda Tusaale.
Dawladda Marooko dhowaan waxay Xiriir la Yeelatay sraa’iil , Lknse Shacabka Marooko arintaas Raali kama ahayn, Kadib sraa’iil ayaa u baahatay Guri ay ka Dhigato Safaarad iyo Guryo ay Degaan Qaar kamid ah Shaqaalaha ka shaqayn doona Safaaradooda .
Kadib waxaa Dhacay Wax aan la Filayn, Shacabkii Marooko waxay Diideen inay Guryahooda ka Kireeyaan israa’iil Safaarad ahaan ,iyo Shaqaale ahaanba ,Mulkiilayaashii Guryaha ayaa Go’aankaas Qaatay , Sidoo kale Shirkadaha Marooko ee Guryaha Kireeya ayaa Diiday .
Dawladdii Marooko ayaa Xaalku ku adkaaday , kadib Dawladda Marooko waxay ku Fekertey inay Dhismayaasheeda Dawliga ah Dejiso Safaaradda israaiil Lknse arintaas Markii Dambe way ka laabatay arimo Amaan, oo waxay ka Cabsatay in Shacabku ay Weerari Doonaan oo ay ka dhalan karto Dhibaato weyn .
Waxyaabahan oo dhami waxay ku dhaceen isbedelo yimid oo ah inay Shacabku ka Xoroobeen Madaxda Wax Khaldan la Timaada inay kasoo horjeestaan ,Iyo Wacyiga Shucuubta oo kor u Kacay “
Madaxweynaha Aljeeriya Cabdi-madjid Tebboune.