Wakhtiga lagu dhawaaqayo natiijada rasmiga ah ee Doorashada oo la Shaaciyey.

0

Hargeisa(HNN):-Wakhtiga lagu dhawaaqayo natiijada rasmiga ah ee Doorashada oo la Shaaciyey.

Maxakamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay wakhtiga Maxkamaddaha Degmooyinka dalku ku dhawaaqi doonaan natiijada rasmiga ah ee doorashadii ka dhacday falka 31 May.

Qoraal uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali, ayaa lagu faah faahiyey wakhtiga degmo kasta ansixin doono Goleyaasha deegaannada dalka, iyada oo Natiijada kama dambaysta marka ay maxkamadda degmadu sheegto ay ku xigi doonto dhaarinta Xubnaha Goleyaasha Deegaanka, iyada oo dhaarinta ka dibna ay Xubnaha Goleyaasha Deegaanka iska dhex dooran doonaan Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Deegaanka