Waxaan Garwaaqsanayaa shacabka Somaliland inay abuurteen jawi dimuqraadiyadeed,Amni oo ayna cidnaba ubaahan ee iyaga loo baahan yahay in lagu daydo..W/Q:-Ibrahim Abdiwaadir

0

Faalladan Waxaa qoray masuulkan oo hore xil uga soo qabtay dawlad deegaanka soomaalida itoobiya oo ku sugan hargeisa ayaa kagaga waramaya aragtidii ay maqaaxida isugu soo galeen Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Mudane c,rashiid Muxumed cali Riyoraac. waxaanu ku bilaabay sidan.

Somaliland!
Maanta waxaan lakulmay arin aan jeclaaday inan cabiro dareen kayga waxaan aniga iyo saxiibo kale ka shaahaynay Caffee Berbera oo kutaala Hargaysa, aniga iyo saxiibaday oo dhamaantayo Ethiopia ka nimi ayaa Goobta Iskaga sheekaysanaynay
mid kamida saxiibaday ayaa itaabtay wuxuu farta iigu fiiqay Nin Muraayad xidhan oo Da’ahaan weyni aan kutirayay wuxuuna iiraaciyay waa commissioner ka Doorashooyinka Somaliland
Waxaa Ku celiyay miyaad Qof weyn ahayn siduu ninkan kaligii iska laafyoonaya een wax daba socda iyo wax la socda toona jirin u noqonayaa masuulka usareeya kadib ano shakisan ayaan Ku idhi iisheeg magiiciisa marku iisheegay kadib ayaan YouTube ka Ku qoray waxaa iiso baxay muuqaalo iyo waraysiyo waan isu eegay ninka iyo muuqaalada waxan arkay inay runtii tahay oo ninku yahay Commissioner Kii doorashada cajiib??
Waxaan isweydiinayay ninkan sida dagan isaga shaaheeyay een cid daba socota jirin,buuq iyo cabasho haysataa ayna jirin,jawiga dagan kujira, dakano kabaqayn, dal Afrikaana oon ictiraaf helin dhex dhexaadiyay doorashadiisa, waliba Soomaali ah, oo wali ayna Maxkamadi Ku dhawaaqin natiijadii rasmiga ahayd, Xaguu ka dareemaya raaxada iyo buuq la’aanta?
Waxaa xasuustay Burtukan medeksa waa Commissioner Doorashooyinka Ethiopia’e buuqa,cabashada, Cabsida looga qabo inay cid amniga lid Ku ahba khaarajiso sida loo ilaaliyo ee ayna suurto gal u ahayn inay iskaso fadhiisato maqaaxi shaah!!
Waxaan Garwaaqsanayaa shacabka Somaliland inay abuurteen jawi dimuqraadiyadeed,Amni oo ayna cidnaba ubaahan ee iyaga loo baahan yahay in lagu daydo
Waxa kaloon sawirtay dawladnimada xamartaala oo marka siyaasi xanaaqaba ciidanka qaranka qayb goosanayo xarunna uu kadhiganayo isla xaafad magaalada kutaala dagaal iyo dhiig kubaaqayo waxaan isleeyahay siday isu qabanaysaa
Waxaan ilaa hadda aamini la’ ahay waxa Odeygii iska laaf yoonayay inuu ahaa ninka Masuulka ka ah Commision ka Doorashooyinka Somaliland!
—Ibrahim Abdiwaadir, Wasiir ku xigeenkii hore ee dhallinyarada Dawlad Deegaanka.