Tirada Dhalinyaro Soomaali ah oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Africa+Sawirada Wiilasha Dhintay.

0
ATTENTION EDITORS - VISUAL COVERAGE OF SCENES OF INJURY OR DEATH - Bodies are seen on the ground July 15, 2016 after at least 30 people were killed in Nice, France, when a truck ran into a crowd celebrating the Bastille Day national holiday July 14. REUTERS/Eric Gaillard

Pretoria(GNN):-Rabshado ka dhashay xarigii loo geystay madaxweynihii hore ee dalka Koonfur afrika Jocab Zuma ayaa maalintii shanaad ka soconaya gudaha dalkaas.

Taageerayaasha Zuma ayaa dhigaya banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in xabsiga laga soo dooyo hogaamiyadooda.

Dalka koonfur afrika ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed ay u ganacsi dontaan.

Ugu yaraan inta la xaqiijiyay afar qof oo dhalinyara Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka afar iyo labaatanki saac ee la soo dhaafay.

Dhalinyaradan ayaa ahaa kuwa ganacsiyo ku leh magaalooyinka koonfur afrika waxaana lagu kala magacaaba :

Maxamuud Qoojo.
Goosaar Ganeey .
Mahad Ciise.
Nuur Cali Sarjaan.

Dhanka kale hanti badan oo ay leeyihiin dad soomaali ah ayaa dalkan koonfur afrika lagu dhacay, iyadoo kooxaha falkan ka dambeyay aysan dowladda weli gacanta ku dhigin.

Sikastaba koonfur afrika ayaa horay waxaa marar badan loogu dilay dhalinyaro Soomaali ah kuwaas oo dalkaas ganacsiyo kala duwan ku lahaa.