Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland Oo Baadhitaano Xisaabaadka & Shuruucda iyo Xeerarka Ka Bilaabay Hay’adaha Dawlada.

0

Hargeisa(HNN):-Xafiiska hantidhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta oo salaasa ah waxaaa uu baadhitaano kala duwan ka bilaabay laba wasaaradood oo kamida wasaaradaha dalka,waxaana wasaaradaha laga bilaabay saaka kala ahaayeen Wasaarada horumarinta beeraha Jamhuuriyada Somaliland iyo Wasaarada Xanaanada Xoolaha jamhuuriyada Somaliland.

Baadhitaanadan kala duwan ee xafiiska hantidhawrku ka bilaabay Wasaaradaha oo ay fulinayaan saraakiil labadii sano oo ee u danbeeyey khubaro caalami ah u tababareeyeen nidaamka baadhisaha caalamiga ah ee waafaqsan shuruucda dunida, ayaa ah shaqaale si xirfad iyo aqoon leh loogu carbiyey arrimaha baadhisaha.  

Waxaana baadhisaha kala yihiin Baadhista Xisaabaadka dawlada ( Financial Audit) iyo deeqaha kala duwan ee hay’adaha caalamiga ahi ugu deeqaan wasaaradaha dalka oo iyagana si qotodheer loo baadhayo sida loo qorsheeyey waxa qaranka loogu qabtay iyo haddii la musuqmaasuqayba., sidoo kale waxaa iyaduna kamid ah baadhitaanada xafiiska hantidhawrku sameynayo baadhitaanka u hogaansanaanta shuruucda iyo nidaamka hay’adaha dawlada hubinta u hoggaansamida.(Compliance Audit), waxaana baadhisahan xafiiska hantidhawrku yihiin kuwo ka xoogan kana duwan nidaamkii hore loo baadhi jiray xafiisyada dawlada, iyadoo laga duulayo fulinta xeerka cusub ee xafiiska hantidhawrka guud ee qaranka somaliland waxaa xarun kasta oo dawladeed ay sii ogaysiiyaan ka hor inta aaney baadhista ka bilaabin wakhtiga uu xafiiska hantidhawrku shaqadiisa gudanayo iyo saacadaha uu soo galayo, taas oo meesha ka saartay talaabooyinkii hore xafiiska hantidhawrka qaranku u hawlgali jiray oo ahayd in aan la ogaynsiin xafiisyada dawlada wakhtiga uu soo galayo hantidhawrku.

Ku Xigeenka Hantidhawraha Guud ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Sacad Riiraash ayaa hogaaminayey saraakiishan saaka bilaabay baadhitaanada caalamiga oo lagu hubinayo hab maamulka maaliyadeed ee xafiisyada dawlada iyo mashaariicaha kala duwan ee laga fuliyey dalka, dhaqaalaha ku baxay iyo sida loo maamulay.

Dhankooda waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey Masuuliyiinta kala duwan ee wasaaradahaasi la baadhayo Saraakiisha ka socoday xafiiska hantidhawrka qaranka jamhuuriyada somaliland.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan oo Dhamaystiran.