Deg-deg-Xogo Dheeraad ah Oo Kasoo Baxay Gabadh Ikraan Tahliil Faarax Oo Loo Tirinayo In Lagu Khaarajiyey Xarunta NISA Sirdoona Somalia.

0

Muqdisho(HNN):-Ikraan Tahliil Faarax oo ah gabar 23 sano jir ah, kana howl-gali jirtay Hay’adda NISA oo muddo ka badan labo toddobaad ah aan nolol iyo geeri midna lagu hayn ayaa waxaa loo haysta NISA.

Taliye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda NISA, Cabdisalaan Guuleed oo wareysi siiyey idaacada VOA-da oo ka hadlay kiiska Ikraan ayaa sii xoojiyey shakiga laga qabo in Ikraan ay ku maqan tahay hay’adda NISA.

“Dowladdii Soomaaliya wey aamusan tahay, meeshii ay aheyd in dowladda ay qeylo dhaamiso oo Nabad-sugida ay warqad soo saarto oo ay dhahdo qofkaas ayaa naga maqan, sababtaas waxay keenaysa shakiga u weyn ee la qabi karo in Nabad-sugida ay gacanteeda ku maqan tahay, ha noolaato ama ha dhimato,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu jiro tuhun ah in Ikraan loo qafaashay inay kamid aheyd shaqsiyaad hayey xogta dhalinyaradii loo qaaday dalka Eritrea, taasi oo muddooyinkii dambe xiisad hor leh ka taagneyd, islamarkaana ay cadaadis xoog leh ku wajaheysa dowladda iyo NISA.

“Haddey dadkii file-shaas hayey ay kamid aheyd waxaa soo baxeysa sabab aad u weyn oo ah in dowladda ay dooneyso inay baabi’iso raadkas, qof kasta oo ku lug lahaana (wax ka ogaa) uu ka baxo hawada.”

Sidoo kale, Taliyihii hore ee Nabad-sugida, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi siiyey idaacada VOA-da ayaa sheegay in gabadhan laga yaabo inay halis u gashay kiiska dhallinyarada la geeyey Eritrea.

Qoysaska wiilashooda uu "askareeyay" Farmaajo oo banaanbaxay

“Dowladda ayaa la rabaa inay gabadhan nolol iyo geeri ku sheegto.. waxaa jira tuhun fara badan oo in Kiiskan Hey’adda Nabadsugida ku lug leeyihiin iyo dareen xooggan ah ayaa jira. Arrimo xasaasi ama xog xasaasi ah, waxaa laga yaabaa wax ay ogtahay inay dhibanne u tahay.. Database ciidamada Eritrea loo qaaday ayey heysay.. Waxaas oo dhan baaritaannada ayey kasoo bixi doontaa,” ayuu yiri Sanbaloolshe oo farta ku fiiqay Hay’adda NISA.

Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa kal hore sheegtay in gabadheeda Ikraan Dr. Tahliil Faarax muddo la la’yahay ayna ku tuhemyso hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA.NISA

Hooyo Qaali oo maalmo ka hor warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa sheegtay in gabadheeda ay kal hore ka shaqeyneysay xafiiskii allaha ha u naxariistee Injineer Yariisow, islamarkaana ay xilli habeen ah raacday gaari u diiwaan-gashan dowladda oo la yaqaan, gaar ahaan hay’adda NISA.

Baabuurka gabadha qaaday ayey sheegtay inuu xilli habeen ah, abaare 8-dii, 26-kii June uu ugu yimid gurigeeda, kadibna Ikraan ay qaadatay Laptop ay ku shaqeyneysay.

“Baabuurka wuxuu kasoo galay KM0 iyo Hotel Global dhexdooda, oo ah halka aan degannahay. Intaas dhexdeeda baabuur soo galay waa baabuur la yaqaan, waa baabuur amni ah, waa baabuur gacanka uu soo daayey,” ayey tiri hooyo Qaali.

Waxaa si weyn isu-soo taraya cabsida laga qabo in Ikraan Dr. Tahliil Faarax la dilay, isla habeenkii ay raacday baabuurka ka diiwaan-gashan NISA oo xiligaas la rumeysan yahay in looga yeeray xarunta.

 

Halkan Hoose Ka Dhegayso Nuxurka Warbixintan Oo  VOA inooga Diyaarisay.