Eng Faysal cali Waraabe Oo Ka Sheekeeyey Qaabkii Dawladii Siyaad Barre u Shirqooshay Muj Fanaan Abwaan Maxamed Mooge Liibaan.

0

Hargeisa(HNN):-Bandhiga Buuga la magac baxay FOOLAAD oo lagu soo ururiyey Taariikhda waadiga ah ee Abwaankii, Fanaankii, Mujaahidkii Alle Haw naxariistee Maxamed Mooge Liibaan ayaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay magaalada hargeisa, waxaana halkaasi khudbado kala duwan kasoo jeediyey madax kala duwan, waxaaan kamid ahaa Eng faysal cali waraabe oo ka sheekeeyey taariikhda Macalin fanaan mujaahid Maxamed Mooge Liibaan Alle haw naxariistee, waxaanu ka warmay taariikhda qaabkii loo khaarajiyey fanaanka iyo shaqsiyaad kale oo la socoday xili ay safar ku jireen, waxaanu sheegay in dawladii hore Maxamed Siyaad barre, waxaanu sheegay in jidgooyo ay u galeen shufto loo diray ay ku dileen abwaanka xili uu ku gudo jiray hawlihii halganka.

Dhinaca kale dadka iyaguna caawa ka warmay taariikhda iyo noloshii ay soo wada qaateen wasiir Maxamed Kaahin Axmed Oo in badan ay noloshii halganka soo wada qaateen fanaan, macalin maxamed Mooge Liibaan.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warka.