Jaamacadda Hargeysa Ayaa 26 Dhakhtar U Qabatay Munaasibad Fooladayn Ah.

0

Hargeisa(HNN):-Munaasibad loogu fooladaynayo 26 dhakhtar oo ka baxay jaamacadda Hargeysa ayaa lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Waxa kasoo qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiirrada, agaasimayaal guud, bahda dhakhaatiirta, maamulka jaamacadda Hargeysa iyo mudan kale. Waxaana ugu horreyn xus loogu sameeyay munaasibadda Alle ha u naxariitee hormoodkii kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Hargeysa Dr Diiriye Ismaaciil Ereg oo dhawaan geeryooday.

Hormoodka caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa Dr Ayaanle Saleebaan oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay marxaladihii iyo waayihii ay soo martay kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa, isagoo tilmaamay in ardaydan dhakhaatiirta ah ee maanta loo fooladaynayo ay soo wadeen 7 sanno oo waxbarasho iyo tacab ah oo ay u soo dhabar adaygeen in maanta ay halkan soo gaadhaan iyagoo dhakhaatiir la isku hallayn karo ah. Dhanka kale waxa uu tilmaamay in dufcaddani ay noqonayso dufcaddii 12aad ee caafimaadka ee ka baxda jaamacadda Hargeysa. Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay dhakhaatiir kuwaasoo u duceeyay dhakhaatiirta soo baxday islamarkaana u rajeeyay in ay bulshada u buuxin doonaan boos muhiim ah maadaama ay yihiin bahda caafimadka.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo isna dhankiisa halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay bahda caafimaadka ee cusub ee kusoo biirtay bahdii caafimaadka ee hore. Guddoomiyaha guddida tacliinta sare ee qaranka , guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa iyo xubno kale oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay isla markaana hanblayeeyay dhakhaatiirta cusub ee soo baxday.

Wasiirrada wasaaradaha maaliyadda iyo xidhiidhka golayaasha oo halkaasi ka hadlay ayaa iyana bogaadiyay jaamacadda Hargeysa dhakhaatiirta ay soo saareen, iyagoo ku tilmaamay shaqada ay hayaan bahda caafimaadku in ay tahay shaqo muhiimadeeda leh oo u baahan in xil dheeraad ah la iska saaro. Gebogabadii waxa halkaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyay macalimiintii kulliyadda  caafimaadka ee soo saaray dhakhaatiirtaas cusub ee soo baxday.