Ururka Mutadawiciinta ah ee Somaliland Mental Health Oo Fariin Xasanaad Ku Jiro U Diray Dhammaanba Umada Muslimiinta ah.

0

Hargeisa(HNN):-Fariintani waxay ku socotaa dhammanba umada islaamka ah ee ku nool daafaha dunida, waxaana ay ku waajahan tahay sidii dadka muslimiinta ahi uga qayb qaadan lahaayeen daryeelka dadkeena xanuunka dhimirka la ildaran ee ku dhex darxumaysan dhammaan gobolada iyo degmooyinka dhulka somaliland.

ururka Somaliland mental health oo si mutadawiciin ah uga shaqeeya arrimaha khayriga ah ee dadka dhibaataysan ee xanuunka dhimirka la ildaran islamarkaana u baahan daryeel iyo dayactir, si loogu helo goobo lagu xanaaneeyo laguna dabiibo xaaladooda caafimaad, ayaa waxaa ururkan somaliland mental health uu kuugu baaqayaa in aad kala qayb qaadato caawinta dadkeena xanuunsan oo aakhiro iyo iyo aduunba inoo noqonaysa sadaqo jaariya.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Fariinta Dadka Caawimada u Baahan.