Daawo: Xildhibaan Aamina oo xog cusub ka bixisay kiiska Ikraan Tahliil iyo sarkaal lagu tuhmayo.

0

Muqdisho(HNN):-Waxaa xogo dheeraad ah laga helayaa kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la waayey 16-kii bishii hore. Ikraan waxay ka tirsaneyd hey’adda NISA, waxaana isisoo taraya tuhunka la xariira in gabadhaas ay ku maqan tahay gacanta saraakiil ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya.

Ikraan waxay kaamiraduhu qabteen, iyadoo gaari sii raaceysa markii cid ugu war dambeysay.

Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ku metela beesha ay u dhalatay Ikraan oo la hadashay TV-ga Universal ayaa sheegay in Ikraan ay reerkeeda u sheegtay inuu jiro sarkaal ka tirsan NISA oo u hanjabay, islamarkaana ay qorsheyneysay inay dalka isaga baxdo.

“Gabadhu NISA ayey la shaqeyneysay, waxaa markii hore shaqaaleysiiyey Taliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe, tuhumada la qabana waxaa ka mid ah in gabadhaan ay xog badan ka heysay qaabkii loo qaaday ciidanka la qeysan yahay ee Eritrea ku maqan, waa dhici kartaa in waxyaabo noocaas ah gabadha loo heysto,” ayey tiri Xildhibaan Aamina Maxamed.

Xildhibaan Aamina oo sii hadlaysay ayaa tiri, “Waxaa jirtay in gabdhu ay wacday ehelkeeda qaar oo ay u sheegtay inuu handaday sarkaal la yaqaano, ayna rabtay inay dalka isaga baxdo, sarkaalkaas magaciisa gabadhu waa sheegtay, waana sheegi doonaa markii loo baahdo cadeyn.”

Sidoo kale Xildhibaan Aamina ayaa sheegtay in gaarigii gabadha ka qaaday Taliska NISA uu watay nin darawal u ah Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir.

“Markii aan u tagnay mas’uuliyiinta hey’adda Nabad sugidda waxay na dheheen kiiska gabadha waan baareynaa, hadii ay baarayaan waxaa la rabay inay wiilkaas soo xiraan oo asaga la weydiiyo gabadhii meesha uu geeyey, anaga waxaan xaqiijineynaa in wiilkaas uu yahay darawalka taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir, asagaana la weydiinayaa gabadha oo dad ugu war dambeeyey, hadii shakhsiyan uu  gabadha u heysto ama hey’adda uu meel u geeyey, isagaa laga rabaa inuu meel ku sheego gabadhii,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xildhibaan Aamina oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ku metela gabadha maqan ee Ikraan.

Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto xogta ay bixisay xildhibaan Aamina.

Hoos ka daawo