Maxaad Kala Socotaa Loolanka Loogu Jiro Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland+Tirada Mudanayaasha Lakala Saftay Labada Dhinac.

0

Hargeisa(HNN):-Loolanka shirgudoonka golaha wakiilada somaliland ayaa maraya meel xasaasiya xili uu wakhti koobani ka hadhsan yahay mudada dasrtuurka qaranka jamhuuriyada somaliland u cayimay in golaha wakiiladu ku fadhiistaan islamarkaana dhaarta kadib ay doortaan shirdgudoonka golaha wakiilada somaliland oo gudoomiyaha golaah wakiilada iyo labada gudoomiye ku xigeen,

Loolanka Xisbiyada mucaaridka somaliland oo kala ah waddani iyo ucid iyo xisbiga kulmiye iyo xukuumada oo la safan ayaa uu ka dhexeeyey bishii ugu danbaysay tartan adag oo loogu kala dheeraynayo mudaneyaashii kusoo baxay kuraasta golaha wakiilada oo ka kooban 82 xildhibaan.

waxaana Xukuumada iyo xisbiga kulmiye soo bandhigeen in qof ay u ololeynayaan inuu noqdo gudoomiyaha golaha wakiilada uu yahay Wasiirkii hore wasaarada arrimaha dibeda somaliland mudane Xildhibaan yaasiin Xaaji maxamuud Xiir faratoon oo xildhibaan ugu da’da weyn golaha dhawaan la doortay, halka labada gudoomiye ku xigeena ay ugu talo galeen inay noqdaan laba xidhibaan oo kasoo baxay xisbiga mucaaridka ah ee ucid, oo iyagu ka xukuumad iyo xisbi kulmiye ahaan aaney wali shaacin balse u qarsooneyd soona if baxday kadib markii xildhibaano kasoo baxay xisbiga ucid loo qabtay xaflad ay kula midoobayaan arrinta shirgudoonka xisbiga kulmiy halkaas oo khudbado kala duwan laga jeediyey, waxaana garabka xisbiga ucid kasoo baxay hogaaminayey naasir qodax oo mudo dheer kasoo tirsanaa xisbiga ucid islamarkaana ahaa xoghayihii xisbigaasi, waxaaan xaflad labada xisbi ee ucid iyo kulmiye ay wadda qabasadeen lagu sheegay inay ku heshiiyeen gudoomiyaha golaha wakiilada ay u doortaan Xildhibaan Faratoon halka labada ku xigeena ay u qorsheeyeen inay noqdaan laba xidhibaan oo xisbiga ucid kasoo baxay.

Halkan Ka Akhriso Isbahaysigaa Labada dhinac ee Xisbiga Kulmiye iyo garabka aan la mawqifka ahayn xisbiga ucid ee dhawaan shaaciyey masiirkooda shirgudoonka.

Intaa kadib Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee ucid Eng faysal cali waraabe oo arrintaa ka dareen celiyey waxaa uu xilkii xogaha xisbiga ucid ka qaaday xildhibaan Naasir qodax oo hore u ahaa gacanta midig ee gudoomiye faysal cali waraabe.

Talaabadaasi kadib waxaa laba jibaarmay oo cirka isku shareeray xaalada loolan ee xisbiyada mucaaridka iyo muxaafika, halkaas oo tirada xildhibaanada ay kala haystaan labada dhinac ay isku soo dhawaadeen, waxaana sida muuqata imika meesha ka baxaysa isbahaysigii labada xisbi mucaarid ay ku heshiiyeen ee ay isla qaateen inay ku dhisaan shirgudooonka golaha wakiilada una dooranayaan gudoomiyaha xildhibaan C,risaaq khaliif oo ah mudane kasoo baxay xisbiga waddani iskuna deegaan yihiin Ex wasiir faratoon oo ah xildhibaanka xisbiga kulmiye doonayo inuu noqdo gudoomiyaha golaha wakiilada jsl.

halkan labada gudoomiye ku xigeenka ay sheegeen inay noqonayaan Xildhibaan cumar faarax oo kasoo baxay xisbiga ucid iyo Xildhibaan cali Xaamud jibriil oo isaguna kasoo baxay xisbiga waddani.

Gorgortanka shirgudoonka ayaa hadaba inta la xaqiijiyey imika Xisbiga KULMIYE ay suurto-gashay inuu Xisbiyada Mucaaradka ka kaxaysto Xildhibaano ku dhow 13, kuwaasi oo dano siyaasadeed oo u gaar ah awgeed uga tanaasulay inay la fikir ahaadaan Madaxda Xisbiyadooda ee doonaya in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doorto Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Xisbiga WADDANI uga soo baxay Gobolka Sool.

Waxaana sidaanu wararka ku helay xaqiijiyeen in labada dhinacba ay jiraan shirkado iyo ganacsato daaha dabadiisa taageero dhaqaale la barbar taagan xildhibaanada kala duwan ee loo waddo shirgudoonka golaha wakiilada, kuwaas oo qayb ka noqonaya in lagu kala awood bato doorashada shirgudoonka oo ay sahlayso dhaqaalaha lagu bixinayo codadka xildhibaanaada lakala jiidanayo.

Xisbiga Muxaafidka ah ee kulmiye iyo xukuumada ayaa doodoodu tahay sababta ay ula rabaan golaha inuu hogaamiyo Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir faratoon inuu yahay shaqsi isku waddi kara xildhibaanada 82ka ah iyo inuu yahay shaqsi masiirka shacabka somaliland meel adag ka istaagi kara.

Halka xisbiyada mucaaridka somaliland taa bedelkeeda ay ku doodayaan in hogaanka golaha wakiiladu uu noqdo xisbiyada mucaaridka si loo helo bay yidhaahdeen isla xisaabtan dhamaystiran oo aaney dhicin sidii xukuumadihii hore in shirgudoonka golaha wakiilada somaliland uu noqdo mid muxaafid ah oo aan hor istaagi karin danaha xukuumada iyo hay’adaha dawladu ay marsiisan jireen golaha wakiilada jsl.

Shacabka Somaliland ayaa u dhegtaagaya halka uu salka dhigo xafiiltankan marba xaraaradiisu heer marayso, ee u dhexeeya isbahaysiga labada xisbi mucaarid iyo xisbiga kulmiye oo ah xisbi xukuumi ah.

Si kasta ha ahaatee Warbixinaheena dambe ayaanu diinku soo gudbin doonaa xaqiiqooyinka la xidhiidha halka ay kala marayaan labada dhinac ee tartanka ugu jira shirgudoonka golaha wakiilada somaliland iyo ganacsatada kala duwan ee garabka siinaya islamarkaana la safan laba dhinac ee mucaaridka iyo muxaafidka, kuwaas oo iyagu ah kuwa wakhti xaadirkan waxweyn ka bedelay saaxadii iyo loolankii labada garab ee xisbiyada mucaaridka iyo kulmiye oo xukuumada garab ka helaya.

La Soco Warbixinaha Danbe Haddii Eebe Ogolaado.

Hargeisa Somaliland

Hadhwadaagnews@gmail.com