Musharaxiinta oo war kasoo saaray xilal ka-qaaditsii uu sameeyey Rooble, fariin xasaasi ahna u diray Farmaajo.

0

Muqdisho(HNN):-Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray tallaabadii uu Ra’iisul wasaare Rooble xilalkii uga qaaday saraakiil ka tirsaneyd hey’adda NISA, waxay fariin u direen Madaxweyne Farmaajo.

Ugu horeyn golaha ayaa taageeray go’aankii uu Ra’iisul Wasaaruhu xilalkii uga qaaday madaxii shaqaalaha ee hey’adda NISA Cabdullahi Kullane iyo Taliyihii NISA ee garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh, kuwaas oo sida lagu sheegay qoraalkaan isku dayay “inay si sharci-darro ah u hor-istaagaan xaqa dastuuriga ah ee xoriyada safarka iyo dhaq-dhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

“Golaha oo ka duulaaya marxaladda adag ee dalku marayo iyo xaaladda kala-guurka ah ee doorashada, waxay ugu baaqayaan dhammaan laamaha kala duwan ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah loo dhawro Dastuurka iyo sarreynta sharciga, lagana dheeraado wax kasta oo khilaaf iyo dib u dhac abuuri kara,” ayaa lagu yiri Bayaankaan ka soo baxay golaha midowga musharaxiinta.

Sidoo kale Golaha ayaa soo jeediyey in tallaabada uu Ra’iisul wasaare Rooble  uga hortagayo xayiraadaha sharci-darrada ah ee ka dhanka ah xoriyada safarka muwaadiniinta iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed, ay noqoto mid si siman uga hirgasha dalka oo dhan.

“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uu ka waantoobo ku tumashada Dastuurka dalka oo uu caadeystay iyo faro-gelinta joogtada ah ee uu ku haayo geedi socodka dalkan u jiheeystay in ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta muddada loo cayimay,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka Midowga Musharaxiinta.