Sheikhal Beledka Awdal oo Been Abuur laga sameeyey Ku Tilmaamay Hadal uu Maalintii Shalay Borama Ka jeediyey Xildhibaan Barkhad Batuun.

0

Hargeisa(HNN):-Sheikh Cabdilaahi Sh. Cali Jowhar oo ah Sheekhal-beledka Magaalada Boorama iyo Gobolka Awdal oo jimcii maanta Warbaahinta kula hadlay hoygiisa uu ka degen yahay Magaaladaasi, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal uu madal dhaqan ka jeediyey Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo kamida golaha Wakiillada ee cusub, hadalkaasoo uu sheikhu ka cudur-daartay, sheegayna in laga been sheegay.

Xildhibaan Barkhad ayaa Khamiistii Xaflad Meher oo uu kaga qaybgalay Magaalada Boorama ka sheegay in Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif uu halkaa uga duceeyey Doorashadiisa Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Sheikh Cabdilaahi Cali Jowhar oo munaasibada markaas ka maqnaa, iyadoo hadalka xildhibaan aad loogu faafiyey Warbaahinta baraha Bulshada, iyadoo loo turjumayo in Sheikhu si gaar ah taageero ugu muujiyey Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif tartankiisa guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Sheekha.

Sheikh Cabdilaahi sida uu sheegay aan goob-joog ahayn markii uu xildhibaanku hadalkaas jeediyey, ayaa tilmaamay inay arrintaasi la noqotay mid aan qaban oo uu ku gefay mudane Barkhad.
Sheikhal beledka oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Waxa aan ka maqlay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun waxaan goob-joog u ahaa muu ahayn, waxaan daawaday Barkhad oo leh Xildhibaan Cabdirisaaq waxa u duceeyey Sh. Cali Jawhar, sidaas darteed waxaan qoonsaday”
Sheikha oo ka hadlaya aragtidiisa tartanka labada xildhibaan ee u taagan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa sheegay “Horta labada Nin ee tartamaya Cabdirisaaq Khaliif inuu Nin qiimo leh oo wanaagsan yahay waan maqlay Nin-na waan arkay oo aan ogahay inuu yahay Nin qiimo leh oo aanu wada shaqaynay waa Yaasiin Xiir Faratoon ilaa shirkii Boorama ilaa intii howlo dalka laga qabanayey Nin aanu wada shaqaynay oo aan aqoon u lahaa weeye, markaa Nina waan maqlay wanaagiisa, Ninna waan arkay oo goob-joogbaan u ahaa”
Sheikh Cabdilaahi Cali Jowhar oo kamida culimada loogu Ixtiraamka badan yahay Somaliland, waxa uu xildhibaanka xujeeyey kula taliyey “Barkhad midbaan leeyahay adiga iyo Beeshaada qiimo weyn ayaan idiin hayaa, Ninkaa codka badan ku soo baxayna waad tahay. kolkaad Odayaasha iyo culimada wax ka sheegaysaan ee aad masraxa Siyaasadda kaga sheegaysaan wax aan jirin in aad ka sheegto maaha ee arrintaas iska ilaali.
“Bahda Saxaafaddana waxaan leeyahay qofka wax laga sheegayo haddii aanu joogin ka wax laga sheegayaa haddaanu joogin waxaad tidhaahdaan waar kaasi ma jooggee ina daaya”ayuu yidhi.
loollanka loogu jiro Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, ayaa noqday arrin laga dhigay mowduuc siyaasaddeed oo fagaare kasta lagu soo hadal qaadayo.

Hadalkan Guji oo Ka Daawo Hadalkii Shalay xildhibaan Barkhad Jaamac batuun Ka Jeediyey Madasha.